Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Dafiray Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen

472

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo mar dhaweyd warbaahinta kula hadley Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa  madaxweyne ee xisbigaasi UCID

Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa  uu  sabab uga dhigay hadalkiisa  isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey Musharaxa  madaxweyne uu xisbiga  UCID ahaa urur balse  xisbigu  iminka uu dooran doono musharax madaxweyne isla markaana ay shir weynahoodii golaha dhexe qaban doonan marka ay diwaangalintu dhamaato waxaana uu yidhi

“Jamaal Cali Xussen  ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax , maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn  hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa ” Ayu yidhi  Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale  gudoomiye Faysal Cali uu sheegay in  xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye uu xidhiidh ka dhexeeyo isla markaana ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID  ay dano ka dhexeeyaan iminkana uu kalan la leeyahay madaxda xisbiga Kulmiye  isga oo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi

“Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa iminkana shir baaba aanu wada galeynaa markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe

Comments

comments