Somaliland: Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka Dareen Celiyey Warqadii Raaligalinta ahayd ee Gudoomiye Faysal

122
Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Musharaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa ka jawaabay Warqad Raaligalin ah oo uu Qorey Gudoomiye Faysal waxana uu Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraalkan kooban

“Waxaa shay lagu qoslo ah in aan arkay warqad aan summad lahayn oo la yidhi xisbigga UCID baa soo saaray oo been abuur ah oo raalli gelin bay ka bixiyeen xisbigga UCID. Xisbiggu maaha nin warqad koontoro baan ah soo qora oo weliba magaciisa ku qori kari waaya, oo yidhaahda Guddi fulin baa fadhiisatay. Waa fal danbiyeed iyo been qaawan in laga been fariimo gudidda fulinta ee xisbigga UCID. mana jirto guddi fulin oo fadhiisatay. Kuwa soo tahriibiyey warqaddaa been abuurka ah waa kuwa iyaga laftigooda loo soo adeegsanayo burburka UCID oo aanu dhawaan toosh weyn ku ifin doono, xisbiggana geed kaga xidhi doono haddii Eebbe yidhaa.”

Comments

comments