Somaliland: Guddoomiyaha UCID oo Raaligelin ka bixiyey Hadalkii Jamaal ku Weeraray Murrashax Muuse Biixi iyo Ganacsade Ina Aw Siciid

123

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa raaligelin ka bixiyey hadalkii murrashaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid.
War-murtiyeed lagu faafiyey go’aan Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID raaligelin kaga bixiyeen hadallada Jamaal Cali Xuseen, waxa loo qoray sidan;
Ujeeddo: Go,aan Gudi Fulineed oo ku Saabsan Raaligalin

“Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu halkan ka caddaynayaa in hadalkii Jamaal Cali Xussen kaga hadlaayey ganacsadaha reer Jabuuti iyo masuulyiinta kale ee uu eedda u soo jeediyey waxa ay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo, anaga oo ixtiraamayna fikirka iyo xorriyada shaqasi ahaaneed.

Waxaannu raali buuxda siinaynaa dhammaan taageerayaasha xisbiga UCID, kana raaligalineynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale ay burburinayso, xisbiga UCID waxa weeye xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada Qarankana, isla markaana ugu khibrada badan, sidaas darteed cidna ma burburin karto, waana meel ka dhac in lagu tilmaamo mid shaqasiyaad ku takri falaan.

Waxa kale oo xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID raaligalin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatay hadalkii Jamaal, maadaama oo aannu ixtiraam u heyno ganacsatada reer Somaliland iyo dhammaan madaxda xisbiyada Qaranka iyo masuulyiintooda.”

Allaa Mahad Leh.

12472640_976951895691773_5528571622669788720_n IMG_458264-6EE7D7-B63042-5DA3EF-F28E37-8A7226

Comments

comments