Somaliland: Fashilka Hogaamineed ee Muuse Biixi Oo Xaaladiisu Wakhtigan Marayso Neef La Gawracay Geedo Kama Waabto” Xildhibaan Waabeeyo Iyo Xildhibaan Talyanle

120

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Iyo Saddexaad Ee KULMIYE Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aan Xisbiga Lagaga Saaray Xubno Ka Mid Ah Garabka Isbahaysiga.

“Warka Ka Soo Baxay Garabka Guddoomiyuhu Wuxuu Muujinayaa Fashilka Hogaamineed ee Muuse Biixi Oo Xaaladiisu Wakhtigan Marayso Neef La Gawracay Geedo Kama Waabto”   Xildhibaan Waabeeyo Iyo Xildhibaan Talyanle

Xubno ka mid ah hogaanka Xisbiga KULMIYE balse haatan qayb ka ah garabka isbahaysiga dimquraadi doonka ee Xisbiga KULMIYE ayaa deedafeeyey go’aan hore uga soo baxay Xisbiga oo lagu sheegay in xilkii iyo xasaanadii xubinimo lagala noqday shan xubnood oo garabka isbahaysiga ka mid ah.

 

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) guddoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna guddoomiye kuxigeenka saddexaad ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inaanu jirin wax sharci jabin ah oo ay xubnahan xisbiga laga saaray ku kaceen, isla markaana waxay ku tilmaameen go’aanka uu Guddoomiyaha xisbigu qaatay go’aan naf lacaaridnimo muujinaya. Warsaxaafeedka ay soo saareen hogaanka KULMIYE ayaa u dhignaa sidan:

Jahmhuuriyada Somaliland “War-murtiyeed”-Date, 24-Mar-2016- Ref. KDC/08/012/2006

Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.

Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.

Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :

  1. In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.
  2. In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.
  3. In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.

Gebogebadii:-

Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. C/raxman Maxamed Talyanle

Comments

comments