Somaliland: Ujeedooyinka ay Daar Naayeen Shirar ay Maalmahii ugu Danbeeyey Lahaayeen Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Xisbiga Kulmiye iyo Magaca Gudoomiye ay Iska Dhex Doorteen

94

iyada oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ay magaalada Hargeysa ka socdeen kulamo hoose oo ay yeesheen xildhibaanada muxaafidka ah ee xisbiga kulmiye ugu jira aqalk golaha wakiilada Somaliland,

Waxa kulamadaasi lagaga wada hadlayay sidii loo dar dar galin lahaa hawlaha kala duwan ee xisbiga iyo sidoo kale sidii qayb looga qaadan lahaa taakulaynta abaaraha ba,an ee dalka ka jira,

Geesta kale warar hoose oo ka soo baxay kulankaasi oo soo gaadhaya xafiiska shabakada Hangoolnews ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada kulmiye ee kulankaasi iskugu yimid tiradooduna ay dhanayd 51 mudane ay maalintii shalay ahayd kulan ay ku yeesheen guriga wasiirka xidhiidhka golayaasha ay halkaasi ku doorteen gudoomiye ay yeelanayaan xildhibaanada muxaafidka ah ee xisbiga kulmiye si loo dar dar galiyo hawlaha xisbigaasi waxaan xildhibaanadaasi ay Gudoomiye u doorteen Maxamed Cali Xirsi(Obama),

Dhanka kale waxa iyaguna ka soo baxaya warar sheegaya in ay sidoo kale ku hawlan yihiin sidii golahaasi loo galin lahaa (Odhot) ama baadhe si loo  dabo galo hawlo musuq maasuq oo dhawaan ay golahaasi ku eedeeyeen gudiga ilaalinta dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland,

Comments

comments