Somaliland: Qorshe Siyaasadeed Oo La Sheegay In Xisbiga UCID Musharraxa Madax-weyne Xigeen Ku Siinayo Reer Sool

105

Safarka Guddoomiye Faysal Oo La Sheegay In Uu Dabada Ku Hayo Hawlgalkiisii Ugu Horreeyey Ee Qorshaha Musharraxiintiisa

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen Waraabe ayaa shalay safar kedis ah waxa uu ugu ambabaxay Gobolada Bari ee Somaliland isaga oo ay safarkiisaasi ku weheliyaan xubno ka tirsan Madax-dhaqameedka beesha Ciidagale.
Waftiga Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shalay gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa la sheegay in ujeedada safarkaasi ahayd sidii Goboladaasi loogu soo dhawayn lahaa wafti uu hogaaminayo xubin la sheegay in uu xisbiga ka noqon doono Musharrax Madaxweyne ku xigeen kaasi oo la sheegay in uu ka soo jeedo Gobolka Sool, kadib go’aan Guddoomiyaha xisbiga UCID ku gaadhay in doorashada soo socota uu mansabka Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID noqdo siyaasi ka soo jeeda Gobolkaasi Sool (Beelaha Dhulbahante).
Warar xog-ogaal ah oo ka ag dhaw Waftiga Guddoomiyaha UCID ayaa wargeyska Foore u sheegay in Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ujeedada safarkiisu isugu jirto dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan tahay in uu Gobolkaasi ku soo dhaweeto siyaasigaasi reer Sool oo aanay noo suurta galin in aanu magaciisa helno oo ka mid ah dhawr nin oo Faysal diiradda ku hayo in ay ka mid noqdaan Musharraxiinta Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga, halka sidoo kale uu ka qayb gali doono xaflad ballaadhan oo xisbiga UCID ku soo dhawayn doono xubno doonaya in ay iska sharraxaan xisbiga UCID oo u tartami doona doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.
Arrinka xiisaha leh ee tafsiirka siyaasadeed u baahan ayaa ah in soo dhawayntii Guddoomiyaha xisbiga UCID ee shalay uu si weyn uga qayb qaatay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo taasi oo loo fasiran karo isu soo dhawaanshaha guddoomiyaha xisbiga UCID iyo xisbiga KULMIYE. “Waxaanu u nimid waxaa weeyaan, waxaan ku leenahay xaflad aanu ku qaabili doono dad xisbiga soo galaya iyo murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada ,.” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe mar uu saxaafadda la hadlayay kadib soo dhawayntaasi layaabka lahayd ee shalay lagu qaabilay. Gudoomiyaha UCID ayaa waxa uu intaasi ku daray: “Intan kale ee lagu daray ee soo dhawaynta ah kumaanu talo galin, waa ku mahadsantihiin, annagu waanu soo dhamaysannay soo dhawaynta iyo is dabayaacaas uma xiisoono, markaa idinkaa is xilqaamay, lacagna soomaanaan dirin, xafladaasuun baanu u nimid, aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco, Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa ku dheeraaday abaaraha ba’an ee ku habsaday Bulshada Reer Somaliland isagoo bulshada ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto Raxmadiisa. Si kastaba ha ahaate Socdaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku tagay Gobolka Togdheer ayaa qeyb ka ah Dar-dargalinta Hawlaha Xisbiga maadaama ay Xisbiga ku soo wajahanyihiin Doorashooyin waawayn oo kala ah Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada iyo waliba tartanka golaha dhexe oo xisbiga laga filayo is badallo waaweyn gaar ahaan jagooyinka Musharraxa Madaxweyne iyo ku xigeen.

Comments

comments