Somaliland: Ma Dhabaa In Wasiir Cadaani Ka Xanaaqay Talaabo Uu Wasiir Cukuse Ku Magdhabay Lacagtii 5-Milyan, Siina Daayay Gabadhii Xoghaynta Ahayd Ee U Xidhnayd?

129

Wasiirada Warfaafinta Iyo Xanaanada Xoolaha Oo Dagaal Qabaw Isku Bilaabay Iyo Wasiir Cukuse Oo Magdhabay 5-Tii Milyan Ee La Xaday

Warar Badax Bannaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay Tibaaxo kashifay dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhex oogan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) kaasi oo salka ku haya sida la sheegay arimo hoose oo aan saani u soo shaac bixin oo ay isku hayaan balse bulshadu aanay waxba ka ogayn.
Dagaalkan labadan wasiir u dhexeeya oo hadda maraya Marxalad uu mid waliba midka kale ku bahdilayo ayaa saani dibada ugu soo baxay kadib markii uu Wasiir Cadaani dhawaan xabsiga dhigay Xoghayntiisii khaaska ahayd oo uu ku eedeeyay Lacagn Kaash ah oo Shan Milyan ah oo sida uu warbaahinta ka sheegay lagala baxay Khasnada Tv-ga Qaranka oo ay iyadu ka masuul ahayd,kaasi oo uu ku faah faahiyay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaradda. Sida warkani nagu soo gaadhay,arintaasi oo qiso layaableh noqotay islamarkaana Dhako Faar ku riday Dad badan oo Reer Somaliland ayaa waxa soo dhex galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse oo dhawaan laga soo badelay Wasaaradda Warfaafinta islamarkaana shaqada qoray Gabadha Xoghaynta ah ee Wasiir Cadaani Xidhay,waxaana la sheegay in Wasiir Cukuse Aroortiiba tagay Xarunta Dambi baadhista si uu u bixiyo lacagtaasi islamarkaana uu u soo daayo Gabadha Xidhan.
Sida ay noo xaqiijiyeen Illo wareedyo u dhuun daloola dhacdadani,labadan Wasiir ayaa si weyn ugu murmay arintaasi,waxaana si toos ah uga hor yimid Wasiir Cadaani oo ka diiday inuu Cabdilaahi Cukuse Bixiyo Lacagtaasi balse sida Warkani nagu soo gaadhay Cabdilaahi Cukuse ayaa la sheegay inuu Bixinta lacagtaasi meel kale maray ,islamarkaana uu Gabadhii ka soo daayay Xarunta C.I.D oo ay habeen ku xidhnayd. Wasiir Cukuse ayaa aad uga xumaaday dhacdadan waxaanu gabi ahaanba khalad u arkay inuu Wasiir Cadaani fadeexad ka dhigo lacag yar oo uu jeebkiisa ka bixin karayay. Sidoo kale Waxa ay dad badan ku jaha wareereen dhacdan iyo ujeedada ka dambaysay. Dhinaca kale Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa gabi ahaanba aad uga yax yaxay fadeexadan baahday waxaanay maalmihii udambeeyay ku mashquulsanaayeen hadal haynta dhacdadan iyagoo ku jahawareeray inay dhinac uun u sibir saaraan.

Comments

comments