Somaliland: Xisbiga UCID Oo Sheegay Inay Maxkamad Saarayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

176

Fadeexadii Musuqmaasuq Ee Golaha Guddoomiyaga Golaha wakiilada Smaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dooday in aanay waxba ka jirin eedahaasi musuqmaasuq ee uu soo bandhigay Guddoomiyihii guddida daba galka ee Golahaasi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, kaa soo soo bandhigay warbixin uu ku sheegay in uu golaha wakiilada ka jiro musuqmaasuq xoogan oo uu ku kacay guddoomiye cirro.

Guddoomiye Cirro oo wax laga waydiiyey arrintaasi, ayaa ku tilmaamay eedahaasi mid ay xildhibaanka ka keentay cadho la xidhiidha isku bedelka guddidayada, isaga oo ku dooday in aanay eedahaasi waxba ka jirin., waxaanuu yidhi “Xildhibaanku haddii uu isyidhi kaftan waxa ay ahayd in uu miilwanaagsan ka bilaabo ayey ahayd, waxaanan u arkaa in ay arrintaasi tahay uun cadho ka dhalatay bedel in ay tahay, wixii jawaab ahna waa laga bixin doonaa, waxba kuma jabna o bulshada waxaan leeyahay waxaas waxba kama jiraan”

Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ana Guddoomiyaha Golaha wakiilada in uu ku cadaaday musuqmaasuq iyo lunsi hanta umadeed.

Saraakiil ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbigaasi, ayaa soo jeediyey in xilka laga qaado guddoomiye Cirro oo la keeno golaha mooshin xil ka qaadis ah, waxaanay sidoo kale soo jeediyeen in maxkamad la horgeeyo.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo degmooyinka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiqani Salaf Kabtanka oo ugu horrayn halkaasi ka halay, ayaa waxa uu yidhi “Cabdiraxmaan sababta uu uga tegi waayey guddoomiye nimada golaha wakiilada ma aha xil jacayl oo mid ka wayn ayaabuu u tartamayaa, waxa weeyaan dhaqaale sababtaasi, miisaaniyadda golaha wakiiladu waxa weeyaan sannadkii afarmilyan oo dollar, intii uu joogay cabdiraxmaan waxa uu golaha wakiiladu kharash gareeyeen sideed iyo afartan milyan oo dollar, inta ugu bandanna isaga ayaa lunsada, dhaqaalaha loogu ololeeyo xisbiga waddani ee laga yaaban yahay meesha ay ka keeneen waa dhaqaalihii golaha wakiilada, waxa uu isla helay jiibta kala badh golihii wakiilada oo sacabka u tunta lana lunsata acagtii qaranka loogu shaqayn lahaa, fadeexaddan uu kashifay xildhibaan Ubaamana waxa weeyaan mid muddo soo jiitamaysay, waxaanuu sheegnay in wakhtigii ololaha la kaxaystay afartan laanguruusal oo cagta la mariyey dadkii abaraaha ee oomanaa”
Xoghaye Cabdiqani kabtan waxa uu soo jeediyey in xilka laga xayuubiyo Guddoomiye Cirro oo maxkamad lala tiigsado, waxaanuu yidhi “Waxaanu leenahay Xisbi ahaan waa in hanta dhawr la geliyaa Golaha wakiilada xilkana waa in uu iska casilaa cirro, haddii uu iska casili waayana waa in mooshin la keenaa xilka lagaga qaadayo, inta tan la baadhayana nooma sii ahaan karo guddoomiye baarlamaan, nin ay ku caddahay lunsin hantidii umadda oo doonaya in uu kelidii xisbi ugu ololaysto waa in maxkamad la saaraa oo maxkamadda la geeyaa oo xilkana uu iska casilaa, haddii uu is casili waayana waa in baarlamaanka wixii caqli iyo damiir lihi mooshin xil ka qaadis ah ay golaha hor keenaan”

Geesa kale Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Ubaama oo warbaahinta la hadlay mar kale ayaa sheegay in guddoomiye cirro ay isku bedelka guddiyadu ka keentay cadho uu ka qabay warbixintan ay soo wadeen waxaanuu yidhi “Guddoomiyaha waxaan u arkaa in ay isku bedelka guddiyada ay cadho ka keentay oo uu isaga ku koobnaa oo uu xamili waayey oo uu sugi waayey warbixintaas ee aanu labada bilood ee dhodhow wadnay ee aanu guraynay, xil uu iga qaadayna ma jiree waa isku bedel oo guddi inta uu iga qaaday ayuu guddi kale I geeyey wax laga qadhoodana ma aha, waxaana ka keentay cadho oo jawaabtiisa ayaa laga sugayaa ee lacagta ah ee xeerarka ah ayaa jawaab cad laga sugayaa, waxaanu farnay in uu shaqada ka joojiyo wixii musuqmaasuq ah, wax cadho ah o aniga iga keentay ma jirtee warbixintaas aanu muddada diyaaarinaynay ayaanu gacanta ku haynaa

Comments

comments