Somaliland: Siyaasigga Cali Guray Oo Sheegay In Xisbigga WADDANI Yahay Ka Ugu Dhaw Ee Kursigga Madaxweyne Ku Guulaysan Kara Doorashadda Soo Socota

105

UCID Oo Uu Rajo-Xumo Ka Muujiyay Iyo Saldanadda Subayriyadda Oo Uu Ka Hadlay

Dhacdadan ugub ee lagu mijo xaabinayay Suldanadda guunka ah ee Subeer Awal ee fashilmay waxay saamayn wayn ku yeelan kartaa saaxadda siyaasadda iyo tartanka xisbiyada siyaasadda taas oo xisbiga Kulmiye iyo musharixiisa Muuse Biixi ay lumin doonaan taageeradii ay dhinaca beeshan ku haysteen sababta oo ah waxa hubaal ah inay si toosa ugu lug lahaayeen Shirqoolka XUMO TALIS ee fashilmay oo si wayn uga cadhaysiiyay dhamaan hogaamiye dhaqameedka, waxgaradka, dhalinyarada, iyo dhamaan dadka ka soo jeeda beelaha Subeer Awal rag iyo dumarba.

Lakiin waxay arintu ku xidhnaan doonta hadba sida ay ugu heelanaadaan xisbiyada mucaaridku gaar ahaan xisbiga UCID oo wax badan ku taamayay in mar uun ku guulaysto in uu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland. Hadiise xisbiga UCID uu lumiyo fursaddan dahabiga ah waa hubaal xisbiga hamuunta badan u qaba guusha doorashada ee WADDANI aanu isagu lumin doonin fursadda u dagatay taas oo Musharaxa WADDANI gaadhsiin karta inu hankiisa Madaxwayne xaqiijin karo.

Hadii ay sidaa u dhacdo UCID waxad ka eegtaa Somaliland iyo halkii lixdankii ee la yidhi QARANKII DIIDAY QARANIMADA inu noqdo xisbigii diiday inu noqdo Xisbul xaakimka

Comments

comments