Somaliland: Bulshada Gobolka Togdheer Oo Si Diiran Usoo Dhaweeyey Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

115

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeayay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer .

Soo Dhaweenta Gudoomiyaha oo si wayn looga Dareemay Magaalada Burco ayaa ahayd mid aanay Bulshada Reer Burco u kala hadhin, waxaana hor kacayay Badhasaabka Gobolka Maxamed Ibraahim Qabo , iyadoo ahayd mid ay iskood isku abaabuleen Bulshadu oo aan ku jirin qorshaha Waftiga Gudoomiye Faysal Hor kacayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Mudane Aadan ayaa weedho soo dhaween ah ku soo dhaweeyay Gudoomiye Faysal iyo Waftiga uu hogaaminayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Magaalada Burco ugu warramay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu mahad naqayaan Bulshada Burco isagoo faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda Burco .

“ Waxaanu u nimid waxaa weeyaan , waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galayaan , iyo murashaxiin tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada ,.” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyahaa ayaa waxaa intaasi ku daray

“ Intan kale ee lagu daray ee soo dhaweenta kumaanu talo galin , waa ku mahadsantihiin , annagu waanu soo dhameesannay soo dhaweenta iyo is dabayaacaas uma xiisoono moogtahay , markaa idinkaa is xilqaamay , lacagna soomaanaan dirin , xafladaasunbaanu u nimid , aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco , Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa ku dheeraaday abaaraha ba’an ee ku habsaday Bulshada Reer Somaliland isagoo bulshada ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto Raxmadiisa .

Si kastaba ha ahaate Socdaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku yimid Gobolka Togdheer ayaa qeyb ka ah Dar-dargalinta Hawlaha Xisbiga maadaama ay Xisbiga ku soo wajjahanyihiin Doorashooyin waawayn oo kala ah Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada .

7-22 10-9 8-17 9-14

Comments

comments