Somaliland: Shir balaadhan oo lagu Taageerayo Saldanada Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo manta Hargeysa dhacaysa

87

Salaadiin, Cuqaal iyo Dadweyne farabadan ayaa saaka magaaladda Hargeysa ku qabanaya shir balaadhan oo lagu taageerayo Saldanada Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan, kaasoo si weyn loo soo abaabulay si meesha looga saaro kulan ay koox Xukuumaddu soo abaabushay ku caleemo saartay nin ay ka garab sameeyeen Suldaan Xasan.

Sidoo kale, waxa meelo kala duwan oo Daafaha Caalamka ah lagu qabtay kulamo lagaga soo horjeeday ninka Xukuumaddu ka ag samaysay Suldaan Xasan, kaasoo ay ku tilmaameen in aanu sinaba u matali doonin Beesha Subalaha illaa Saaxil oo ah beesha Saldanadeedu tahay soo jireenka. Wararka Waaheen ka heshay qaban qaabada Shirka manta lagu taageerayo Suldaan Xasan ayaa ay ka soo qayb galayaan dhamaan Cuqaasha Beesha uu Suldaanka u yahay, kuwaas oo aan waxba ka ogayn ninkii xukuumaddu u cumaamaday,

waxaanay ku dhawaaqayaan in aanu metalin. Salaadiinta Beesha Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa iyana kaalin mug leh kaga jira abaabulka shirkan, waxaana la filayaa in uu noqon doono mid maydha shirkii, Xukuumaddu Ciidamadda ku ilaalinaysay ee lagu Caleemo saaray ninka aan lahayn Dhaxalka Saldanada. Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo si weyn uga soo horjeeda talaabooyinka ay xukuumaddu kula kacday Salaadiinta iyo odayaasha Beeshiisa ah ee ku xidhan Madheera, isla markaana aan Ogolayn musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu badheedhihiisa sii libin laabo oo uu ganafka ku dhufto suldaanka samayska ah ee beeshiisa lagu wiiqayo.

Comments

comments