Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shir Wadatashi Ah La Yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ugu Jira Xisbiga

105

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi oo doorashada soo socota Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada Gobolka Wakiillada ugu jira xisbiga.

Kulan casuumad qado ah oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ku sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kaas oo ay isugu yimaadeen xildhibaannada matalada xisbiga ee Golaha Wakiillada, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay is-xogwaraysi la xidhiidha xaaladaha kala duwan ee dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiin xisbiga ah oo wehelinayey iyo mudanayaasha KULMIYE ee Wakiillada waxay iska warraysteen arrimaha kala duwan oo ku wajahan dhinacyada xaaladaha nololeed iyo siyaasadda dalka.

Qodobada lagaga wadahadalay kulanka waxa ka mid ahaa xaaladda abaarta daran ee ka taagan dalka iyo dadaallada gurmadka dadka la gaadhsiinayo oo la istusay in la sii dardargeliyo, sidoo kalena waxa la iska waraystay diiwaangelinta codbixiyayaasha ka socota gobolkii saddexaad oo ah Saaxil iyo degmooyinka Gabiley iyo Balli-gubadle, iyadoo xildhibaannada lagu dardaaray inay ka qaybqaataan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta dadweynaha ee is-diiwaangelinta.

Waxa kaloo madaxda KULMIYE iyo xildhibaannada ugu jira Wakiilladu wax iska waydiiyeen hawlaha doorashooyinka madaxtinimada iyo Baarlamaanka ee soo socda iyo sida loogu baahan yahay in xisbigu si wayn ugu diyaargaroobo.

Ugu dambayntii, hoggaanka KULMIYE iyo mudanayaasha u matala aqalka Wakiillada Somaliland waxay isla qaateen inay isugu yimaadaan kulamokale oo qayb ka ah wadatashiyada xisbiga.

3-47-740x492

Comments

comments