Tababare Jurgen Klopp Oo Digniin Adag Siiyay Ciyaartoydiisa Kadib Guuldaradii Southampton, Miyuuse Ku Haminayaa Afarta Ugu Sareysa?

115

Tababare Jurgen Klopp ayaa dignin culus siiyay xidigahiisa kadib guuldaradii lama filaanka aheyd ee shalay kasoo gaartay Southampton kulan ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.

Southampton ayaa St Merry kusoo dubatay Liverpool ciyaar mucjiso aheyd oo qeybtii dambe ciyaarta laga dhaliyay Reds sadex gool markii ay qeybta hore la hormareen 2-gool, iyadoo guuldaradaas ay dhaawac culus u geysatay hamigoodii ahaa iney ku dhameystaan afarta ugu sareysa.

 

Si kastaba Jurgen oo ayaa u sheegay ciyaartoydiisa iney waajib ku tahay guul gaaridda 9-ka kulan ee uga haray horyaalka hadii ay doonayaan iney afarta ugu sareysa kusoo dhameystaan sidoo kalana u sheegay iney u baahan yahiin ugu yaraan 27-dhibcood, kuna darso iney kooxda kaalinta afaraad ee Manchester City u jirto kaliya 7-dhibcood.

“Iskuma fiicnin guuldarada sidaas darteed ma dareemayo fiicnaan, sida aad qiyaasi karto, balse waxaa kaliya igu filan inaan ogahay iney wax walba kubadda cagta ka dhacaan”

“Wali waxaan heysanaa 27-dhibcood oo ay tahay inaan guuleysano, hadii aan helno dhamaantood markaas waxaan fursad u heysanaa inaan ku dhameysano afarta ugu sareysa, balse hadii aysan dhicin wey adag tahay”

“Hadii aan u ciyaarno sida qeybtii hore kulankii Saint waan guuleysan doonaa, balse hadii aan u ciyaarno sida qeybtii labaad wey adag tahay gabi ahaan”

Ugu dambeyntiina Klopp ayaa doonaya in kulan walba oo ka mid ah 9-ka kulan ee u haray ay badiyaan si ay Champions League ugu soo baxaan xagaaga soo aadan.

Comments

comments