Somalia: Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaadey Saldhigga Laanta Buur ee Shabeelada Hoose

172
Somalia:Al Shabaab seizes town from Somali government
Somalia:Al Shabaab seizes town from Somali government

Malayshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey Saldhigga Ciidamada ee Laanta Buur, gobolka Shabeelada Hoose. Laanta-buuro ayaa dhacda meel u dhaxaysa  degmada Afgooye iyo halka la yiraahdo Lambar 50.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe 1:30am. Saldhigga waxaa ku sugnaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya,  gaar ahaan guutada shanaad, waxaana loo isticmaali jirey tababarada ciidanka.

Wararku waxay sheegayaan in al-Shabaab ay ku gubeen gawaari tikniko ah,   isla markaana ay kaxaytseen qaar kale oo la aadeen dhanka degmada Awdheegle, oo uga beegan dhanka Galbeed.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in ay la wareegeen Saldhigga isla markaana dileen ciidamo aad u badan, oo ay gacanta ku dhigeen Tikniko badan.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka gaadmada ah ee al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Awdheegle.

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo todobaadkan si weyn loogu mashquulsanaa furin cusub oo al-Shabaab ay ka fureen dhanka Puntland oo aysan horey awood ugu lahayn,  halkaas oo si weyn loogu naafeeyey isla markaana ay baxsad ku jireen.

Comments

comments