Shaxda Goal.com Ee Kooxda Ugu Fiican Todobaadkaan Horyaalka Ingiriiska Oo Lasoo Saaray, Yaase Kasoo Muuqday?

104

Kadib kulamadii todobaadkaan ka dhacay horyaalka Ingiriiska waxey shabakadda Goal.com soo saartay shaxdii ugu fiicneed waxaana hogaaminaya kubad sameeyaha Chelsea Cesc Fabregas iyo weeraryahanka Tottenham Hotspur Hary Kane.

Shaxdaan waxaan waxba ku yeelan kooxaha Manchester City Iyo Liverpool oo guuldarooyin qaraar gudoomay iyo sidoo kale kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City oo iyana guul gaartay balse aan laga soo xulin hal xidig.

Shaxdaan waxaa goolka ugu jira goolhayaha Norwich City Ruddy, sidoo kalana waxaa kasoo muuqday daafaca Norwich Klose, Cris Smalling oo ka tirsan Manchester United iyo Fernandez oo ka tirsan Swansea City kuwaas oo qeybo lixaad leh ku lahaa guulahii ay kooxahooda gaareen.

Wiilka Gunners usoo baxay ee Alex Iwobi ayaa shaxdaan kasoo muuqday kaas oo kulankii Everton la gudoonsiiyay MOM.

lXI-2-620x324

Francis Coquelin ayaa kasoo muuqday waxaana ku wehliya wiilashii kala diray Liverpool ee Wanyama, Mane iyo Pelle oo iyagana kooxdooda u suuragaliyay guul aan caadi aheen.

Comments

comments