Somaliland: War Degdeg Ah: Kulan Xilka lagaga Qaadayo Suldaan Xasan Mid Kalena Loogu Cimaamadayo Oo Imika Ka Socda Green Plaza Oo Hargeysa Ku Yaalla

123

Kulan gaar ah ayaa odayaal iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda beesha Suldaan Xasan waxa ay u fadhiyaan in ay xilkii Suldaanimo kaga qaadaan sida ay sheegeen Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi oo ah suldaanka guud ee beelaha Habar Awal kaasi oo saaka ka socda Huteel Green Plaza oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

odayaashan ayaa sheegay in ay xilkii Suldaan Xasan ku wareejinayaan Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ay Ilmaadeer yihiin Suldaan Xasan kaasi oo ay sheegeen in ay u magacaabayaan suldaan ku meel gaadh ah inta bay yidhaahdeen beeshu ka soo badalayso Suldaankii badali lahaa Suldaan Xasan oo ay dib isaga imanayso.
Illaa imika lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan arrinkan Suldaanka guud ee Beesha Suldaan Xasan iyo guud ahaan madax dhaqameedka kale ee beeshu.

xafladda ayaa imika socota wixii warar ah ee faahfaahinta warkaasi waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga soo socda.

Comments

comments