Somaliland: Mulkiilaha Sherkadda Dahabshiil Oo Iska Baraxay Daacayadihii La Xidhiidhinayay Dilkii Saado Cali Warsame Iyo Qoyskii Fanaanadda Oo Ku Qancay.

200

Mulkiilaha Sherkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale iyo beesha Sanbuur ayaa iska baraxay eedo la xidhiidhay inay lug ku lahaayeen dilkii fanaanadii Saado Cali Warsame.

Kulan ay ka soo qaybgaleen Mulkiilaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, Madax-dhaqameedka beesha Sanbuur iyo xubno ka mid ah qoyskii ay ka dhimatay marxuumad Saado Cali Warsame ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood waxaana halkaasi konton dhaarood oo dhaarta maydka ah lagu dhaariyey Maxamed Siciid Ducaale oo ka dhaartay inaanu wax lug ah ku lahayn dilkii Saado Cali Warsame.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad oo ka mid ah culimada beesha Sanbuur oo dhaarta dabadeed halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi” Maxamed Siciid iyo Beesha Sanbuur midkaayana inaanu waxba qabin anaguna waanu is ogayn, ilahayna waa na ogaa dadkuna way ogaayeen lakiin hadana waxaasoo barobogaando ah ee la faafinayo ee hadhi wayday inaanu soo afjarno ayaanu halkan u nimi maantana way soo gabagabawday”

Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay wiilka ugu wayn qoyska ay ka soo jeeday Saado Cali Warsame ayaa sheegay inay ku qanacsanyihiin qaabka loo shaafiyey waxaana uu yidhi “cuqdadbaa nagu jirtay waanu xanuunsanaynay beesha Sanbuur ayaanu u bugnay hadda way naga baxday waanu ka bogsanayn ila Cali Warsame aniga ayaa u wayn way ila qabaan iyana way ku qanceen” .

Guud ahaan madax-dhaqameedkii iyo martidii kale ee kulankaasi ka soo qaybgashay ayaa dhamaantood markaahti ka noqday sida aanay sherkadda Dahabshiil iyo beesha Sanbuur sheekh Isaxaaq aanay sinaba u soo galin dilkii fanaanadda Saado Cali Warsame.

Comments

comments