Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Ka Jawaabay Eedaymo La Xidhiidha Musumaasuq Oo Uu Usoo Jeediyay XIldhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama

99

“ Malaa Xildhibaanku Haddii Uu Is-Yidhi Kaftan,Innuu Meel Fiican Ka Bilaabo Ayay Ahayd” Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Xildhibaan Shir-Guddoonka Eeddo Musuq-Maasuq Usoo Jeediyay…

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADANi mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa ka jawaabay eedaymo la xidhiidha musuqmaasuq oo uu dhawaan uu usoo jeediyay shir gudoonka golaha wakiilada  gudoomiyihii hore ee gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama waxaana uu gudoomiye Cirro arinkaa ku sifeeyey inay tahay cadho ka dhalatay xilkii laga qaaday xildhibaanka oo ahaa gudoomiyihii ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka isagoo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Aniga oo aan wax badan ka faaffaahinayay waxaan isleeyahay hadii uu xildhibaanku is yidhi kaftan inuu meel fiican kaga bilaabo ayay ahayd, waxaanay ila tahay inay arintaasi ay tahay cadho ka kacday badalkii lagu sameeyey xildhibaanka ee ahaa gudoomiye dabagalka hantida qaranka, waxii jawaab ahna dib Ayaan anagoo u dhan ka sheegi doonaa”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Si kasteba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd kadib markii xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama eedaymo la xidhiidha musuqmaasuq usoo jeediyay shirgudoonka galaha wakiilada Somaliland.
C/Fataax Xareed

Comments

comments