Somaliland: “Go’daweyn Waxa Lagu Yaqaanaa Inay Mujaahidiin Idin Ka Dhalato, Maantana Waxa Aad Nasiib U Hesheen In……”

139

Xildhibbaan Cali Aareeye oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ka tirsan mas’uuliyiinta sar sare ee xisbiga WADDANI, ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada degmad Go’da weyn ee gobalka Saaxil u soo jeediyey tallooyin wax-ku-ool ah ku waasi oo ku saabsan in haddii uu Cabdiraxmaan Cirro uu ku guuleysto talada dalka aanay soo daba-yaacin isla mar ahaantaana aanay dadka ka xigteysan mustaqbalka dambe isaga oo farta ugu fiiqay in ay maraan jidkii beesha uu ka dhashay madaxweynahii hore ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamd Xaaji Ibraahim Cigaal  oo uu sheegay in aanay ku dhibi jirin derejo iyo duunyo toona.

Xildhibbaan Cali Aareeye, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey soo dhaweyn degmada Go’da weyn ee gobalka Saaxil looggu sameeyey weftigii SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI oo toddobaadkii hore socdaal ku tagay degaankaasi, waxaana  uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan degaanka Go’da weyn lagu yaqaanay in ay ka dhashaan Mujaahidiin aad u tira badan oo qeyb laxaadle ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta dalka, isaga sida oo kalena u ammaanay in ay maantana nasiib u heleen inuu ka dhasho madaxweynaha  mustaqbalka ee bedelaaya Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).

“Reer Go’da weyn, waxa la idin  ku yaqaanay dad mujaahidiin ka dhashaa, Mujaahidiin ayaa idin ka dhalan jirtay, siddii Lixle, siddii Xuseen Dheere iyo rag kale oo fara badan oo dhammaantodba mujaaahidiin ah oo ay ka mid ahaayeen ragii jabsaday jeelk Mandheera ee maxaabiista  kala soo baxay, Lixle oo kale ayaa idin ka dhashay , lama tirin karo saraakiisha ciidanka ee aad lahaydeen, waagii hore waxa la idin ku xaman jiray in Muuse Cabdallaha ay askarta uun ka dhalato, laakiin maanta Madaxweyne-yaal ayaa idin ka dhashay oo mustaqbalkoodu ifaayo oo uu cad yahay, waxa la idin ka rabaa oo aad ogaataan in markii Cigaal uu ahaa madaxweynaha aanay Ciise Muuse dhibi jirin oo aanay ku dhibi jirin derajo iyo duunyo toona, markaa marka uu Cabdiraxmaan Ciro madaxweyne noqdo Insha Allaahu waa uu noqonaya dhawaane in  aydaan idinkuna dhibin oo aydaan soo daba-yaacin oo aydaan odhan inankayagii yaa madaxweyne ah inta aad Go’da ka soo carartaan, waxa sharaf idiin ah in uu idin ka nabad-galo, isna uu umadda si  fiican ugu hago cadaalad iyo sinaan, taas ayaa wax weyn idiin ah dhammantiin, sharaf waartana aad ku helaysaan.”. Ayuu yidhi Xildhibbaan Cali Aareeye.

Comments

comments