Somaliland: Go’aamadii Geesnimada Lahaa Ee Marxuum Cigaal Iyo Daahir Rayaale Ka Qaateen Wakhtiyo Jabuuti Ku Xad Gudubtay Somaliland Iyo Habrashada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumaddiisa

152
President of Somaliland Ahmed Silanyo
H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) - President of Somaliland

“Haddii Aad Walaalnimada, Jaarnimada Iyo Wanaagga Illaalin Waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodiga Isku Dul Taagtay….”..Marxuum Maxamed I. Cigaal

Kadib markii toddobaadkii aan soo dhaafnay ciidamada Jabuuti dhaawac iyo dhimasho u gaysteen askar ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland waxa Dad badan oo reer Somaliland ah arrinkaasi ku soo kiciyey ladh iyaga oo soo xasuustay hagardaamooyin badan oo waligeedba dawladda Jabuuti ku haysay shacabka Somaliland ka hor go’aankii gooni isu taagga qaranimo ee 1991 iyo ka horba iyada oo la xasuusto sidii dawladda Jabuuti dadka reer Somaliland ee uga magan gala taliskii Maxamed Siyaad Barre ay dib ugu soo gacan galin jirtay. Tan iyo 1991-kii markii Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeeda shirkii beelaha Somaliland ee Burco, xukuumadda dalkaasi Jabuuti marnaba kama leexan siyaasaddeedii cadaawadda ahayd ee ay kula dhaqmaysay qaranka Somaliland iyada oo ay mudadaasi dhaceen dhawr dhawcdo oo shacabku xasuustaan gaar ahaan wakhtiyadii ay talada dalka hayeen Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo tallaabooyin dhawr ah oo ay qaadeen dhawr jeer kaga jawaabay cadaawadda dawladda Jabuuti eek u aaddan Somaliland balse tallaabadii ugu dambaysay ee toddobaadkan aanay xukuumadda talada dalka imika haysaa aanay wax tallaabo ah ka qaadan iyada oo aad shacabku uga xumaaday qaabka habrashada ah ee ay illaa imika xukuumaddu ku wajahday falkaasi daandaansiga ahaa.
Akhriste dib u xasuuso, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo safar shaqo ku tagay dabayaaqadii 1997 Wadanka Jabuuti waxa uu kala kulmay quudhsi iyo iyaga oo ka hor joogsaday shir uu doonayay in uu halkaasi kaga qayb galo. Markii Marxuum Cigaal dalka dib ugu soo laabtay waxa uu maalmo kadib dadweynaha kala hadlay khayriyada isaga oo yidhi: “Kaneeco ayaa maroodi isku dul taagtay, Markaasi ayay tidhi Maroodiyaw waan kaa dul duulayaaye isxaji, Muxuu ka ogyahay Xili ay ka dul duushay iyo xilli ay ku soo dul tagtay, Jabuuti waxaanu leenahay, Haddii aad walaalnimada, jaarnimada iyo wanaagga illaalin waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodi Isku Dul Taagtay”. Ayuu yidhi Marxuum Cigaal. Wakhtiyadaasi mar kale dawladda Jabuuti waxa ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland waxaanu Marxuum Madaxweyne Cigaal kaga jawaabay mar ay BBC-du waraysatay sidan: “Haddii ay xadka xidheen annana waxaanu xidhnay badda iyo cirkaba”. Waxa ay ahayd go’aamo geesinimo oo aan habrasho lahayn.
Markii uu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday xidhiidhka labada waddan oo aad u xumaa waxa ay xukuumadda Jabuuti soo dirtay wafti doonayay in ay ka qayb galaan aaska Marxuum Cigaal balse waxa hawada ka celiyay diyaaraddaasi oo diiday in ay waftigaasi dalka soo galaan Madaxweyne Rayaale oo xilka uga dambeeyey Marxuum Cigaal. Siyaasadda Jabuuti ee Somaliland ku aaddani kadib xukunkii Xasan Guuleed, waabu ka sii daray oo Ismaaciil Cumar Geelle mudada uu xilka hayay waxa uu Somaliland kula dhaqmaa laba wajiilayn iyada oo Somaliland aanay wali lahayn istaraatiijiyad cad oo ay ku qaabilayso xidhiidhka dalkasi Jabuuti.

4 Qodob Oo Ay Salka Ku Hayso Cadaawadda Jabuuti U Hayso Somaliland:
1. Jabuuti waa dal yar oo aan dhaqaale la sheego ama buuran aan lahayn. Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku xidhan yahay waa adeegga (Service) ay qabato dekaddoodu.Waxaanay aaminsan yihiin in haddii Somaliland ay noqoto dawlad muctarifa, in ay tartan adag la gelayso dekadda Jabuuti taasina ay saamayn taban ku keeni doonto xoogaaga yar ee ka soo gala halkaa.
2. Jabuuti waa dal aan lahayn khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay dhulka ku mannaystay. Ma haystaan biyo macaan oo ku filan. Waxa ay isticmaalaan dhawr ceel- biyood oo dawladda Itoobiya ka iibiso. M/weynaha Jabuuti, waxa uu tuur iyo tarbiico isugu yeelaa in Seylac iyo aagagga u dhow xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti oo ah deegaan biyo macaan ilaahay ku abuuray, in ay ka qotaan biyaha maamulka iyo lahaanshaha dhulkaana Jabuuti lagu soo wareejiyo.
3. Waxa jira qodob kale oo odhanaya in xilligii nidaamkii daaquutka ahaa ee Siyaad Barre hogaaminayay,uu ugu ballan qaaday M/weynihii Jabuuti ee xilligaa Xasan Guulleed Abti-doon, isaga oo ku xodxodanaya bal in ay mar uun maamulkiisii uu hoos keeno, in uu siinayo ceel shidaal ah oo ku yaalla magaalada Seylac. Dawladda Jabuuti weli way daba socotaa arrinkaa mar kastana waxa ay ku xisaabtamaysaa hanta shidaal oo laga soo saaro xeebaha gobolka Salal ee Somaliland.
4. Nidaamka Dimuquraadiga ah ee ka hana qaaday dalka Somaliland waxa uu walaac ku yahay nidaamka maamul ee dalkaasi Jabuuti oo uu haysto hogaamiye keli-talis ah oo dastuurkii waddankiisa badalay kana dhigay shaadh isagu uu tashay. Mr. Geelle,waxa uu isha ku hayaa nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somalilaan, kaas oo warwar weyn ku haya maadaama labada shacab is dhex degan yihiin.

In dadka reer Jabuuti ay saamayso xorriyadda ay haystaan shacabka, siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo saxaafadda Somaliland.

Taasoo ku keeni karta kacdoon siyaasadeed oo dalka gudihiisa kaga furma. Iyadoo imikaba la og yahay in uu dastuurkii wax ka badalay,muwaadiniin badana ka eryay waddankiisa.

Guntii iyo gunaanadkii, inkasta oo wakhtiga Madaxweyne Siilaanyo u hadhay aad u kooban yahay haddana waxa loo baahan yahay in xukuumaddu qaaddo tallaabo ay kaga gilgilanayso daandaansiga Jabuuti kaga yimid qarankan haddii kale waxa ay taariikh madaw ku noqon doontaa Madaxweyne Siilaanyo

Comments

comments