Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Ka Gaashaamanayso Dhaqdhaqaaqyadda Al-Shabaab Ee Puntland Soo Gaadhay

132

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhaq-dhaqaaqda ururka Al-shabaab ee maalmahan ka socday gobollo  ka tirsan maamul goboleedka Puntland, iyadoo ay shalay dagalo ku dhex mareen degmooyin ka tirsan gobolka Nugaal ciidamadda Puntland iyo ciidamaddan la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wasiirka ku xigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye, oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heegan buuxa  ka galeen arrintaasi, isla markaana ay talaabo-talaabo ula socdaan dhaq-dhaqaaqyadda Al-shabaab ee gobollo ka tirsan Puntland.

“Hawlaha caynkaasi ah awalba anagu heegan ayaanu kaga jirnay, imikana waanu kaga jirnaa. Dhulkayaga ciidan hubaysani ma joogi jirin laakiin waxaanu ka baqan jirnay dhul-jiifka, waananu iska ilaalin jirnay. Hase yeeshee imika way soo dhawaadeen, haddii ay soo dhawaadeena oo ay goboladii Soomaaliya ee aanu xadka lahayn soo gaadheena, dabcan heegan ayaanu ka gelaynaa, waanan ka diyaar garoobaynaa”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo shalay u waramayay BBC.Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Tallaabo, talaabo ayaanu ula soconaa, goob kasta oo ay joogaan, ciidankayaguna marka horeba heegan ayuu isaga jiray imikana wuu ku jiraa, aad iyo aad ayaananu arrintaasi uga digtoonahay.”

Dhinaca kale, asiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha waxa uu ka hadlay dil doraad ka dhacay magaaladda Burco, waxaanu sheegay in ay gacanta ku hayaan afar nin oo dilkaasi gacan ku lahaa, isla markaana si dhakhso ah maxkamad loo horgayn doono.Isagoo  arrimahaasi ka hadlayayna, waxaanu yidhi “Dilkaaasi wuxuu ahaa dil si  fool xun  u dhacay, mid magaalo ka dhacay ayuuna ahaa lamana filaynin. Raad xun ayaanay noqonaysaa, dadkii falkaasi fuliyayna gacanta ayaa lagu hayaa, afar qof ayaana loo hayaa wuxuuna ahaa fal aanu aad iyo aad uga naxnay oo fool xun, marxuumkii dhintay shalay ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Burco, ninkii dhaawaca ahaana aad buu u ladan yahay.”

“Kalsoonidaasi ayna siiyeen ayaanu haysnaynaa anaguna marka horeba, kalsooni ayaanu siinay, maadaama aanu soo qabanay gacan ku dhiigtleyaashii, markhaati ma doon weeyi, markaa waa in maxkamad la horgeeyo danbiileyaasha, hawshana sideeda ayaa  loo fulinayaa” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga.

Comments

comments