Somaliland: Wardegdeg ah: Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Djibouti

120

Warar hada  soo  gaadhaye ayaa sheegaya in Wafti balaadhan oo uu hogaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland oo ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada kala duwan ee somaliland ay xalay abaaro 12 habeenimo ay gaadheen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti.

Ujeedada safarka ay waftigani ku tageen dalka jabuuti ayaa salka ku haya sidi ay uga wada hadli lahaayeen sababta keentay dagaal malintii isniintii dhex maray ciidamada badda ee somaliland iyo kuwa jabuuti.

Dagalkan dhex maray labada ciidan yaa waxa uu sababay khasaare ah dhimashada  hal askari oo ka tirsan ciidamada badda somaliland halka hal askari oo kalena ku dhaawacmay.

Waxana la filayaa inay maanta kulamo ay yeeshaan madaxda dalka jabuuti iyo waftigan wasiir waran cadde hogaaminayo iyadoona la filaayo inay natiijo fiicani kasoo baxdo.

Comments

comments