Somaliland: Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga UCID Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu Jiro Khilaaf Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Xisbiga UCID

142

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee  UCID mujaahid Calli Guray ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday inuu jiro khilaaf huursan oo ka dhex taagan masuuliyiinta xisbiga Ucid.

Waxaana uu mujaahid Cali Guray carabka ku dhuftay inay wadaan xal u ku daminayaan khilaafkan ka dhex aloonsan xisbiga Ucid, isaga oo sidoo kalena ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsaha badan la filayo inuu u qabsoomo shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga UCID.

Mujaahid Cali Guray oo arimhaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi

“wuu jiraa khilaaf laakiin anigu waxaan qabaa inuu wali khilaafka xisbiga UCID  ku dhex jiro xuduudihii xisbiga gudahiisa goor aanu telefeeshinada isku soo fadhiisanana wali muu gaadhin khilaafkaasi, insha alllah waxaan jeclahay oo aan ku rajjo waynahay in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu soo dhamaado, ugu danbayntana aan kusoo afjarno in xisbigan golahiisi dhexe qabsadaan shirwaynihii oo ay iyagu tallada kama danbaysta ah soo saaraan laakin waa jiraa khilaaf ka dhex taagan xisbiga”Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Yusuf Cali Guray

Sidoo kalena Mujaahid Cali Guray waxa uu ku amaanay musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xusee sida fiican ee uu adkaystay aanuna uga dagdagin khilaafka soo noqnoqday ee ka dhex taagan xisbiga waxaana uu yidhi

“Runtii Jamaal Cali Xuseen aadbaan ugu amaanayaa sida fiican ee uu ugu adkaystay aanuna uga dagdagin oo aanu samayn sidii uu yeelay musharaxii ku xigeenkiisa ee Cabdirashiid Xasan Mataan anaguna wali xalka khilaafka ayaan ku jirnaa’Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Mujaahid Cali Guray

 

SI kasteba ha ahaatee khilaafkan ka dhex taagan masuuliyiinta  xisbiga mucaaradka UCID ayaa isagu kusoo beegmaya xilli ay fooda inagu soo hayso qabsoomida doorashooyinka dalka iyada oo sidoo kalena ay gobolada iyo degmooyinka dalka ka socdaan diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Comments

comments