Somaliland: Guddiga Abaaraha Iyo Madaxa Weftigii Mucaawinada Sucuudiga Oo Ka Hadlay Munaasibad Lagu Soo Gabo-gabeeyey Qaybinta Taakulada Gobolka Maroodi-jeex

129

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL  Sh Khaliil Cabdilaahi  Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabad ay gudiga abaaraha ee heer Qaran ku soo gebagebaynayeen qaybintii caawimadii Boqortooyada Sucuudigu soo gaadhsiiyeen Somaliland, gaar ahaan tii Gobolka Maroodijeex.

Munaasabadaasi oo ka dhacday Xafiiska Gobolka Maroodijeex oo ay goobjoog ka ahaayen madaxada hay’ada gargaarka sucuudiga, hay’adihii samafalka wadaniga ah ee qaybinta gargaarka ka qayb qaatay iyo maareeyaha xafiiska samafalka Somaliland ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Md, Maxamed Maxamuud Cali jeeniyare.

Waxa kale oo munaasabadaa ka hadlay Sacad Al-Muhanad Al-Suweydi, wakiilka hay’adda taakulaynta Shacabka Somaliland waxana uu uga mahadnaqay gudoonka gobolka Maroodijeex taakuladii farsamo iyo fududayntii shaqo ee ay ka gaysteen qaybinta gargaarkaasi oo uu ku sheegay inuu ku yimid baaqii xukuumada Somaliland u jeedisay beesha caalamka iyo amarkii Boqorka Sucuudiga ee ku saabsanaa taakulada Boqortooyadu ka gaysanayso abaaraha saameeyey mandaqadda ay Somaliland ka mid tahay.

Dhankiisana, wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ka mid ah gudiga abaaraha ee heer qaran ayaa waxa uu faahfaahiyey sidii ay gobolka Maroodijeex uga dhacday qaybintii gargaarka sucuudiga waxana uu uga mahadnaqay Boqortooyada sucuudiga gargaarkaasi.

Comments

comments