Somaliland: Ergayga Qaramada Midoobay Oo Si Kooban Uga Hadlay Laba Kulan Oo Uu La Yeeshay Madaxweyne Silanyo Iyo Cabdiraxmaan-Cirro

111

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya DanjireMichael Keating, ayaa qoraalo uu soo geliyay boggiisa twitterka, wuxuu kaga hadlay kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

 

Danjire Keating, ayaa wuxuu qoraaladaas oo koobnaa ku sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo ka wada hadleen horumarka siyaasadeed ee Somaliland iyo arrimaha abaaraha halka ay Cabdiraxmaan-cirro ka wada hadleen caqabadaha doorashooyinka Somaliland soo waajihi kara iyo weliba arrimaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha. “Waan ku faraxsanahay inuu I qaabilo Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanu ka wada hadalnay abaaraha iyo horumarka siyaasadeed ee Somaliland.” ayuu ku yidhi qoraalka kooban ee uu kaga hadlay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha.

Isagoo ka hadlaya kulanak uu la yeeshay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani, wuxuu yidhi “Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro waxaanu ka wada hadalnay caqabadaha doorashooyinka oo ay ku jiraan diiwaangelinta cod bixiyayaashu.”

Comments

comments