Somaliland: Wasiir Warancadde Oo Safar Ugu Baxay Dalka Ethiopia

109

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo safar ugu baxay dalka itoobiya ayaa habeenimadii xalay ahayd gaadhay magaalada jigjiga ee dawlad deegaanka somalida itoobiya.

Waxaana wasiirka iyo waftigani ay xalay ku hoyden magaalada jigjiga ee dawlada deegaanka somalida itoobiya.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ayaa kulamo la qaatay madaxda magaalada jigjiga.

Waxaana warar soo gaadhay shabakada Ramaasnews ay sheegayaan in wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayaa la filayo inay usii dhaafaan caasimada dalka itoobiya ee Addis-ababa.

Ilaa hada ma cadda ujeedada rasmiga ah ee wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland u tagay dalka itoobiya,balse warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in uu wasiirku u tagay sidii uu ugala soo hadli lahaa madaxda dalka itoobiyaxuduuddii ay  dawlada itobiya la wadaagi jirtay somaliland ay dhawaan xidhatay.

2-36-740x4164-23-740x4165-21-740x4166-18-740x416

Comments

comments