Somaliland: Muj.Cali Gurray Oo Salluug Xooggan Ka Muujiyay Weeraradda Qaawan Ee Uu Boobe Ku Qaaday Madax Ka Tirsan Xisbigga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

102

Weel kasta wixii ku jiraa laga shubaa WADDANIna ma madhna. Dad badan oo karaamo iyo colba leh baa ku jira ee Boobe muxuu u sari waayay wuxu ku saluugay WADDANI? Anigu ilaa hadda maan fahmin halka ay sartu ka qudhuntay. Anigu markii aan Kulmiye ka baxay waan saray waxa aan kulmiye kaga baxay Boobena ragii markaa ila yaabanaa ayuu ka mid ahaa laakiin markii uu wasiirka ka noqday xukuumadda Silanyo gunta ayuu soo taabtay oo wuxu ka markhaati kacay arimihii aan istiqaaladayda ku xusay.

Waxa ka mid ahaa; “abaar ka guur oo abaar u guur xal maaha waayo abaar abaar loogama guuro oo waxad korodhsataa waa geedi. Geediguna waa socod iyo qaxar iyo dhibaato” waxa ka mid ahaa;” hadii ay run tahay inu Kulmiye yahay xisbi dimuqraadi ah oo la ogol yahay in taladiisa la rogrogo waxa iyaduna run kale ah in talada la rogrogayaa ay tahay mid go’aankeedu uu meel sii yaalo oo ay sii digaan ” IN GAAR AH, OO MEEL GAAR AH,GOOR GAAR AH, WAX GAAR AH,SI GAAR AH ISUGU TIDHAAHDA” Markaa saaxiibkay Boobe waxan leeyahay warkaagu ” MA CADEE HA CADAADO SIDA CAANAHA GEELA”

Comments

comments