Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeen Saylici oo Cambaareeyey Dilka Ka Dhacay Burco, Ciidamada Qarankana Ka Tacsiyeeyey

147

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si adag u cambaareeyay dilka shalay magaalada burco loogu geystay Marxuum Yuusuf  Muuse Cawil, oo wattay gaadhi weyn oo xumuul ah, illaahay naxariistii janno hawgu deeqee.

Dhinaca kalen saylici waxa uu ciidamada qaranka iyo guud ahaan bulshada ka tacsiyeeyey geerida ku timid sarkaal ka tirsan ciidamada badda Somaliland oo la yidhaa marxuum Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan, oo ku geeriyooday iska hor imaad jasiirada ceebaad ku dhex maray ciidamada badda Somaliland iyo kuwa Jabuuti.

War-saxaafadeedka madaxweyne ku xigeenka oo dhameystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka badda ee uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo shalay ku geeriyooday hawlgal qaran oo ka dhacay jasiirada Ceebaad.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu si gaara u tacsiyadaynayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu caafimaad sareecana Illaahay uga baryey Askarigii ku dhaawacmay hawlgalkaa qaran ee shalay ka dhacay xeebta galbeed.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenku  waxa uu cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu dilay Marxuum Yuusuf  Muuse Cawil oo gacan ka gardarani dishay, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado, tacsina waxa uu u diray Madaxweyne ku xigeenku  qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay fakadaan.

Waxaanu boogaadin taa la mida u dirayaa maamulka gobolka togdheer ee waajibkooda qaran gutay, soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan ciddina ka carrari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cid kasta oo qaranka danbi ka gashay.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

Comments

comments