Somaliland: Madaxda Maxkamadaha Rafcaanada Dalka Oo Ka Qayb Galay Shirka Dib U Eegista Garsoorka

122

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland ayaa furay shirka dib u eegista iyo qiimaynta garsoorka oo ay ka soo qayb galeen dhammaanba guddoomiyahaasha Maxkamada ee gobolada Somaliland.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Horizon Institute isla markaana fulinaysay ayaa waxa lagag hadlayay horumarka uu garsoorku ku talaabsaday,caqabadaha hortaagan iyo isbedelka ku yimid.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay sarkaal ka socday Horizon Institute Saleebaan Cilmi oo sheegay in labadii sanno ee ugu dambeeyay ay la shaqaynayeen garsoonka dalka isla markaana qaabilsanaayeen bixinta tababarada

“Horizon labadii sanno ee ugu dambeeyay habda caddaaladda way la shaqaynayaysa ,waxaanay siinaysay casharo ku saabsan fulinta sharciga caruurta,waxaanu u keenay garsoorayaal caalami ah oo tababar siiya,waxa kale oo aanu la shaqaynaa xeer ilaaliyayaasha”ayuu yidhi masuulkan u hadlayay Horizon Institute

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu aad ugu faraxsanahay dadaalka uu la yimid guddoomiyaha maxkamada sare mudadii uu xilkan hayay iyo waxyaabaha iska bedelay garsoorka dalka,waxaanan idiin soo jeedinayaa inaad la shaqaysaa si isbedel wayni u taabo qaado”ayuu yidhi  Saleebaan Ciise oo u hadlayay Horizon Institute

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdillaahi Cabdi Aadan oo ka tirsan guddiga caddaalada Somaliland oo sheegay in shirkan lagu darsi doono sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhinac hawl qabadka ah ee maxkamadaha dalka haysta.

“Shirkan dib u eegista iyo qiimaynta lagu samaynayo garsoonku waa mid aad u mihiim ah,waxaan idin ku dhiirigalinayaa inaad mudadaa shirku socdo inaad ka faa’ido ,waxaan rajaynayaa faa’idada aad aqoon is waydaarsigan ka hesheen aad u gudbin doontaan dhammaan hawl wadeennadii Maxkamada ah”ayuu yidhi Masuulkan ka socday xafiiska guddiga Caddaallada.

Maxamed Axmed Cabdalle guddoomiyaha maxkamada rafcaanka gobolka Sanaag ayaa ka dareen celiyay kulankan lagaga hadlayay dib u eegista iyo qiimaynta isbedelka garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada sare  Md Aadan Xaaji Cali Axmed oo furitaankii iyo xidhitaankii shirkan khubad ka jeediyay ayaa hadalo dardaaran u jeediyay dhammaan ka soo qayb galayaashii shirkan oo dhammaantood ahaa guddoomiyahaasha maxkamada gobolada dalka.

“Kulankeennani saddex u jeedo ayuu leeyahay,ta koowaad waa is barasho waana mid la is dhexgalayo,marka labaadna waa in waayo aragnimada iyo caqabadaha jira la isla arko,arinta kalena waxa weeyi dardargalintii aynu wadnay ee garsoorka,taasi lafteeda in laga sheekaysano inagoo isku gaar ah”ayuu yidhi guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland.

Waxanu intaasi ku daray”tababaradan waanu balaadhinaynaa,dhawaan waxaanu samaynynaa kooxo wareega (Mobile Team) oo soo mara dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka ,waxaanu hawshan iyo hawlo badan oo horeba uga mahadnaqaynaa Horizon Institute oo tababaro kala duwan u qabatay garsoorka walina wadda “ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed

Kulankan oo muddo saacado ah socday ayaa waxa warbixino ka jeediyay dhammaanba guddoomiyayaasha maxkamadaha ee gobolada dalka,waxaanay soo bandhigeen caqabadaha iyo isbedelka ay keeneen mudadii ay xukunka hayeen,waxaanay dhammaantood balanqaadeen inay fulin doonaan wixii ay shirkan  ay balanqaad ka sameeyeen.

Comments

comments