Somaliland: Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Ay Usoo Qabteen Dableydii Saaka Dishay Ninka Darawalka Ah

115

Taliyaha qaybta booliska gobolka togdheer ayaa ka warbixiyay qaabkii ay usoo qabteen ciidamadu dableydii ku dishay gudaha magaalada burco ninka darawalka ah oo la sheegay inuu u dhashay gobolka sool.

 

Dablay ka kooban sadex nin oo hubaysan oo saaka dil ugu gaystay maxuum ka soo jeeda deegaanka buuhoodle ayaa ka baxsaday magaalada burco gaar ahaan xaafadda Balaasa, dablayda ayaa markii ay dilka gaysteen u baxsaday dhinaca Yiroowe, waxaana ciidamada booliska gobolka togdheer ay xaqiijiyey in isla sadexdii nin ee dablayda ahaa ee dilka gaystay gacanta lagusoo dhigay iyagoo ku sugnaa xiligaas lasoo qabqabtay deegaanka Yiroowe iyo godorka dhexdooda, islamarkaasna ay boolisku gacanta ku hayaan. ilaa hadda lama oga sababta keentay in dilka u gaystaan ninka shicibka ah inkastoo ay wararka qaar sheegayaan inuu dilkani daba socday aano hore looga heshiiyey oo ka dhaxaysay beesha ay kasoo jeedaan dablayda ee deegaanka Qorilugud iyo Marxuumka beeshiisa ee Buuhoodle. Dhacdadan ayay dadweynaha reer Togdheer gaar ahaan magaalada Burco ay aad uga nexeen iskasta oo boolisku gacanta ku hayaan Dablaydaas.

Comments

comments