Somaliland: Shirkadda SOMTEL oo Lix ka mid ah Macaamiisheeda Guddoonsiisay Agab Guri Oo Dhamaystiran.

159

Sida aynu la wada socono Shirkadda Somtel ayaa mudooyinkii u dambeeyay Wadday Barnaamijka “Hadal Oo Hel” Agab Guri oo dhamystiran Isla markaana Macaamiisheeda Gudoonsiinaysay Hadyado kala duwan Sida Baabuur iyo Agab Guri oo dhamaystirin

Hadaba Shirkadda somtel ayaa Lix Macmiil Gudoonsiisay Agab Guri oo dhamaystiran isla markaana Ku wareejisay Guulaysteyaasha Qalabkaas Qaaliga ah.

Xafladii Wareejinta Alaabtan Qaaliga ah ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Madaxa Waaxda Suuqgaynta Ee Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu Hadalkiisa ku bilaabay “ugu horayn waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa lixda Guulayste ee ka kala yimid Gobolada Dalka sida :-
  1. Guulayste: Xasan Nuur Buraale Oo Ka yimid Magaalada Borama.
  2. Guulayste: Carwo Cabdi aw nuur Oo Ka timid Magaalada Gabiley.
  3. Guulayste: Mustafe Muuse Xaaji Cali Oo Ka socday Magaalada Hargeisa.
  4. Guulayste: Cabdi Dhamac Mire Oo Ka yimid Magaalada Berbera.
  5. Guulayste: Saynab Cismaan Maxamed Oo Ka timid Magaalada Badhan iyo
  6. Guulayste: Qaasim Cabdi Shire Oo Ka yimid Magaalada Laascaanood.

Dhamaan Macaamiishan Ku Guulaystay Agab Guri oo dhamaystiran waxa aanu aad iyo aad uga mahad celinaynaa wakhtigooda qaaliga ah Ee ay inoo soo hureen iyo Safarka dheer ee ay inoo soo galeen, waxa kale oo aanu Macaamiisha Somtel ugu bushaaraynaynaa in aanay wali Fari ka qodnayn Abaalmarinta barnaamijka Hadal oo Hel oo ay wali hadhsantahay ilaa 10 Agab Guri oo kale iyo waliba Abaalmarino Kale oo Cusub oo dhawaan aanu idiinsoo bandhigidoono Hadii Alla yidhaa.

Sida oo kale waxa Madashaas ka hadlay Gudoomiyayaasha Shirkadda Somtel Ee Gobolada Gabiley iyo Boorama Maxamuud Ismaaciil Cabdilahi iyo Cabdiqani Cali Xasan oo dhamaantood ku dheeraaday sida shirkadda somtel ay u daryeelayso islamarkaana uga warhayso Macaamiisheeda ugana qayb qaadato Horumarka Arimaha Bulshada

Dhinaca kale Guulaystayaaasha Oo dareenkooda muujiyay ayaa sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin Abaalmarintan Qaaliga ah ee Shirkadda somtel Ku maamuustay sida oo kale waxa ay sheegeen in shirkaddu la soo hadashay iyaga oo Hawl-maalmeedkooda iska wata isla markaana aan haba yaraatee filanahayn abaalmarin intaas leeg oo qaali ah. Waxayna shirkadda uga mahad  celiyeen sida wanaagsan ee ay u daryeesho macaamiisheeda isla markaana ay jeebkooda u madhxiso kadibna ay abaal marin qaali ah ugu darto, taas oo aanan wali shirkad kale oo sidaas samaysa aanaan arag balse shirkadda somtel ay tahay hormoodka Shirkaddaha Dalka ka jira, Bulshaduna ay ku faanto shirkadda somtel wax qabadkeeda.

Ugu dambayn waxa Xafladda soo xidhay Madaxa Waaxda Suuqgaynta Ee Shirkadda Dahabshiil Group Cawil Saalax Cabdi oo faahfaahin dheerada ka bixiyay Adeegyada Shirkadda Dahabshiil Group sida Adeegga casriga ah Ee 4G oo bulshadu ku tanaaday xaga Aqoonta Online ka ah iyo xaga ganacsigaba Maadaama hadda aduunkii isku xidhmay oo noqday xaafad yar oo wada taala iskana war haysa taasna waxa suurtagaliyay Adeegga Internetka Oo ay hormuud u tahay Shirkadda Somtel oo idiin keentay Adeegga Faca afraad 4G oo xawaarihiisu yahay sida hilaaca oo kale, Adeegyada kale ee Dahabshiil Group waxa ka mid ah Adeegga Xawaaladda, Adeegga E.Dahab iyo Adeegga Cusub Ee Maalgalinta Danyarta Jecel in ay bilaabaan Ganacsi adeeggaas oo la yidhaa Micro-Dahab intaas waxa  dheer Adeegga Maalgalinta waawayn oo uu idiin diyaariyay Dahabshiil Bank” Sidaas waxa yidhi Cawil Saalax oo ka mida Masuuliyiinta Dahabshiil Group.

Guntii iyo Gunaanadkii waxa halkaas lagu gudoonsiiyay lixdii Guulayste Abaalmarintii ay ku Guulaysteen oo ahayd Agab Guri oo dhamaystiran, Xafladiina waxa ay kusoo dhamaatay Farxad iyo Duco.

12835058_10208963215426402_433465079_n-1-vert

Comments

comments