Somaliland: Dabley Hubaysan Oo Badhtamaha Suuqa Burco ku Toogtay Nin Darawal Ah

260

Badhtamaha suuqa magaalada burco ayaa maanta dabley hubaysani ay ku dileen nin lagu magacaabo yusuuf oo ahaa darwaliinta gaadiidka xamuulka qaada ee loo yaaqano “waaraadka” ee iskaga kala goosha Puntland iyo Somaliland.
Waxaana dableydani ay dileenka ninkan sida la sheegay isagoo ka shaahaynaya maherad ku taala gudaha magaalada burco .
Ilaa hada lama garanayo dableyda dishay ninkan iyo sababta ka danbeysay inay dilaan, balse ciidamada booliska gobolka togdheer ayaa iyagu wali ku daba jira soo qabashada dableydi dilka u gaystay marxuun Yusuuf.
Sidoo kalena ciidamada CID-da ee gobolka togdheer ayaa iyagu la wareegay maydka marxuunka kuwaasi oo badhitaan ku wada.

Comments

comments