Somaliland: Xukuumadda Oo Laga La’yahay Halkii Milyan Ee Ay U Ballan Qaaday Abaaraha Dalka Ka Taagan Iyo Guddida Abaaraha Oo Ku Hungoobay Kulamo Ay La Yeesheen Masuuliyiinta Lacagta Dawlada

53

Lacagtii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanayo u balan qaaday inay ku darayso Deeqaha loo ururiyay Dadka Abaaruhu saameeyeen ee Somaliland ayaan wali laga hayn,waxaana la sheegay in Gudida Abaaruhu faro madhan ka joogaan kulamo ay lacagtaasi mudooyinkii u dambeeyay kaga baadi doonayeen Xukuumadda,iyagoo dhinaca kalena Gudidani lacagtii Ganacsatada Somaliland balan qaaday dhamaan ka soo wada qaaday.

Warar Madax Banaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa u xaqiijiyay in Xukuumaddu wali ka waji dadbayso inay fuliso balankii ay u qaaday inay Ka gaysato Abaaraha ba’an ee ku dhuftay Shacabka reer Somaliland. Xukuumadda ayaa la sheegay inay balan qaaday inay bixinayso lacag dhan Halmiyan Oo Dollar “1,000,000- Dollars”, iyadoo dhinaca kalena la qoondeeyay in lacagtaasi mid u dhiganta oo Halmilyan ah oo dollars ah laga soo qaado Ganacsatada dalka. Warkan Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay in Gudida Abaaruhu Halkii Milyan ka soo qaaday Ganacsatada halka ay wali ka laadahay Xukuumadda Lacagtii halka Milyan ahayd ee ay balan qaaday,waxaana la sheegay inay wali Xukuumaddu ka meeraysanayso inay Fuliso balantaasi.

Warar kale oo arintani ku saabsan ayaa noo xaqiijiyay inay Gudida abaaruhu maalmihii u dambeeyay ku hawlanayd sidii ay Xukuumadda uga qaadi lahayd Lacagtaasi maadaama oo ay Lacagtii hore ee ay Ganacsatada ka qaaday ay gabaabsi tahay oo ay gurmad baddan ku gashay,waxaana la sheegay inay laba cisho ka hor Gudidu Kulan Albaabadu u xidhan yahay la gashay Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsan Cabdi Aadan,islamarkaana ay waydiiyeen qaabka ay u bixinayso Xukuumaddu Halka Milyan ee ay ugu tabo rucday Abaaraha.

Warkan oo aanu ka helnay Illo-Wareedyo u dhuun daloola Gudida Abaaraha ayaa Noo xaqiijiyay inay Kulankaasi ay hungo madhan kala soo noqdeen Guddidu kadib markii ay sida la sheegay Wasiiradu u sheegtay inaanay Xukuumaddu haatan awoodi Karin inay bixiso Lacagta intaasi leeg, islamarkaana ay hawlo badani ay ku soo furteen oo ay Xukuumaddu gashay Kharashaad badan oo kale. Dhinaca kale waxa ay Wasiir samsam Gudida u sheegtay in cidda u balan qaaday lacagta intaasi leeg aanay waxba kala socon Qasnada dawlada,oo aanay lacagtaasi itaalba u hayn Dawladu.
Sikastaba hanoqotee, Waxa labadii cisho ee u dambeeyay si Weyn loo hadal hayay fadeexada Xukuumadda ka raaci karta Lacagtan iyo saamaynta ay ku yeelan karto Arintani Jiritaanka Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye Maadaama oo lagu jiro Wakhti ay doorashadii Madaxtooyaddu fooda inagu soo hayso.

Comments

comments