Somaliland: Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Ay Maxkamad La Tiigsan Doonan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

71

Masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa maanta ka dhawaajiyay inay maxkamad la tiigsan doonan masuuliyiinta wasaarada warfaafinta somaliland.

Waxaana ay sheegeen inay xaq u leeyihiin in wararka axsaabta qaranku ay ka baxaan telefeeshinka qaranka iyo idaacada ayna usoo direen wararkooda tvga qaranka balse aan la baahin.

Sidoo kalena wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa isagi maalintii uu xilka la wareegayay waxa uu ka dhawaajiyay inay warbaahinta qaranka ay ka baxyaaan wararka axsaabta qaranka somaliland, balse hadalkaas ayaa isagu noqday mid hal bacaad lagu lisay ah.

Comments

comments