Somaliland: “Erayga Agoon Waa Mid Xanuun Badane Ha Laga Daayo Caruurta” Abwaan Hadraawi

111

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, ayaa dareen ka bixiyey Erayga Agoon ee loo adeegsado caruurt aan aabaha lahayn, waxaanuu abwaanku arrintaasi ka sheegay munaasibad uu magaalada Burco kaga qayb galay taas oo lagu furaayey xarun lagu daryeelayo ubadka dayacan ee agoomaha.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxa uu sheegay in eraygaasi kaga fiican yahay in lagu bedelo caruurta noocaas ah in loogu yeedho careuurta dayacan, in kasta oo aanay caddayn in uu abwaanku u jeeday carrurta uu markaasi la joogay iyo magaca agoon oo dhanba.

Abwaan Hadraawi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu kalmada aan u imid meesha waxa weeyaan Erayga Agoon Waa Mid Xanuun Badane Ha Laga Daayo Caruurta oo ha la yidhaahdo caruurta dayacan” ayuu yidhi abwaan maxamed ibraahin warsame hadraawi.

Comments

comments