Somaliland: Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Ka Hadlay Xilka Uu Gudoomiye Cirro U Magacaabay Iyo Xadhiga Lagula Kacay Gudoomiyihii Ururka Haweenka Now Ee Gobolka Saaxil

128

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Wadani Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa maanta ka hadlay sida uu arko xilka xoghayaha warfaafinta ee uu dhawaan gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cirro u magaacabay.

Waxaana uu  sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkaasi,sidoo kalena uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato kaalin kaste oo wax tari karta xisbiga iyo qarankaba, sidoo kalena waxa uu ka dhawaajiyay Cabdirashiid Xasan Mataan in ay kawada hadleen masuuliyiinta wadani magaacaabista xilkan waxaana uu yidhi

“Sidaad ka warqabteen waxa dhawaan lay magacaabay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga wadani oo uu baneeyey saaxiibkay Boobe Yuusuf Ducaale, magacaabistaydana waxay ka danbaysay wadatashi balaadhan oo laga wadayeeshay buuxinta jagaaddan oo muhiim u ah xisbiga waanan ku faraxsanahay inaan ka qayb qaato kaalin kaste oo layga baahdo oo wax u tari karta xisbiga iyo qaranka labadaba”Sidaas ayuu  yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Waxaan cadaynayaa inaanay ahayn xil madhan, isla markaana ay jirto xurmo badan, wadatashi, iyo isqadarin xisbiga gudahiisa ah iyo hogaankiisaba waanan ku faraxsanay xilkaa uu gudoomiyaha xisbiga Wadani ii magacaabay’Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Dhanka kale, xoghayaha warfaafnta xisbig waddani waxa uu ka hadlay xadhiga ay xukuumadda somaliland kula kacday gudoomiyihii ururka haweenka NOW ee gobolka saaxil Marwo Saado jaamac Aadan “Saado Dheer” oo ay habeenimadii xalay ahayd ciidamada RRU ugu daatay hoyga ay ka dagan tahay magaalada Berbera isaga oo xukuumadda ugu baqay inay si deg-deg ah xoriyaddeeda loogu soo celiyo Marwada Waxaana uu yidhi:

“Waxa xalay loogu dhacay guriga oo la galalafay sidii xukuumaddii Milateriga ahayd samayn jirtay oo loo diray ciidanka RRU-da, mawro Saado Jaamac Aadan, marwo Saado waa muwaadinad  wax danbi ah oo ay faraha kula jirtay oo naloo soo sheegay ma jirto, gurigeedii ayay huruday sidii caadiga ahayd, waxaan dareensanay kaliya waxa weeye ee saado loo daba socdaa inay tahay maxaad xisbiga Waddani ugu biirtay, dalkani uma baahna in lays cabudhiyo dadkeenan cabudhin, laguma hayn karayo”Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan

Wali isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay

“Ciidamada RRU-du waxay ka tirsan yihiin ciidamada amaanka ee booliska, boliskana shacabka ayaa la shaqeeya, shacabka iyo booliskana maaha in lays colaysiiyo, waxaan taliska ciidanka booliska ku wargalin lahayn shacabka iyo xukumadda waad u dhaxaysaan hadii qof danbi gallo sifooyinkii sharciga loo marayay haloo maro. Waxa wax lala yaabo ah in saq dhexe loo dhaco marwo Saado oo waliba haweena, waa wax ka baxsan diinteena islaamka, waana wax ka baxsan nidaamka dawladnimo. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda in si degdeg ah xoriyadeedii loogu soo celiyo marwo Saado oo hadii danbi lagu haystana maxkamada lasoo hortaaago”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdirashiid Xasan Mataaan.

Comments

comments