Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Oo Lacag Dhan 6,500 Oo Dollar Ku Wareejiyay Maareeyaha Haay’daha Waddooyinka Somaliland

99

Waxay ahayd maanta kadib markaan lacag dhan $6,500 “Lix Kun iyo Shan boqol oo doolarka maraykanka ah” ku wareejiyey Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Waddooyinka “RDA” Prof Xassan Cali Cismaan .

Lacagtan oo ka timid Cariga Maraykanka “USA” ayey igu soo hagaajiyeeen jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka iyagoo u soo ururiyey qaadhaan ay kaga qayb-qaadanayeen dhismaha iyo horumarinta waddooyinka dalka. Waan uga mahadcelinayaa shacabka reer Somaliland ee marwalba u diyaarsan dhismaha dalka iyo taabagalintiisa waana talaabo milgo iyo maamuus mudan.

Sidoo kale waxaan boorinayaa in masuul iyo muwaadin ba dhan looga soo wada jeesto marka ay timaado dhismaha qaranimada iyo horumarinta dalku, waayo qaranimadu waa wax aynu wada leenahay balse muwaaqifta siyaasadeed waa wax lagu kala aragti duwanaan karo Mahad Allaa leh , Gobonimana Shacabkaa Mudan. Wa Bilahi Tawfiiq

Comments

comments