Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Shahaado Sharaf Ugu Abaal Celiyay Golha Degaanka Cardiff

137

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shahaado sharaf ku abaal mariyay Maayarka iyo Golaha degaanka Magaaladda Cardiff ee dawlad hoosaadka Wales, ka dib markii Golaha deegaanka ee magaaladaas xukumaa ay sannadkii hore ansixiyeen mooshin ay ku caddeeyeen inay Somaliland ugu aqoonsadeen dawlad madax banaan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali Aadan Cawaalle, ayaa shahaado sharaftaasi shalay gaadh siiyay Maayarka Cardiff, sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Safaaradda Somaliland ee UK, waxaana lagu sheegay “Waxaanu maanta (shalay) booqasho hawleed ku tagnay aniga iyo Counsellor MW Boss magaaladda Cardiff ee Dawlad hoosaadka Wales, halkaas oo aanu kulan kula yeelannay Maayarka magaaladda Cardiff iyo xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka ee magaaladaasi.
Waxaanu Maayarka guddoon siinnay shahaado Sharaf uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku maamuusay golaha degaanka Cardiff iyo labadii xildhibaan ee ka shaqeeyey mooshinkii golahaasi ku aqoonsaday jamhuuriyadda Somaliland.”

“Anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha iyo ummadda Somaliland, waxaan uga mahad celiyay Maayarka iyo xildhibaannada aqoonsiga Somaliland, waxaananu isla qaadaa dhignay sidii loo dar-dar gelin lahaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaan u mahad naqayaa Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Cardiff oo si wacan uga soo shaqeeyey hawshan,”ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay xafiiska safaaradda Somaliland ee UK.

Comments

comments