Lughaya Illaa Saylac: Deegaamo Hanfiga Kulayku Naafeeyay Oo Abaartu Curyaamisay

406

“Ubadkii Dhawr Maalmood Dab Looma Shidin, Biyana Afkooda May Marin, Biyo La’aan Uun Baa Iigu Darran”

Waxa ay ahayd  Subaxnimadii Isniintii ee toddobaadkii hore markii aan safar shaqo uga baxay magaalada Hargeysa, kaas oo ku eekaa Degmada Saylac ee Gobolka Salel, waxaannu qaadnay jidka Galbeedka Hargeysa ee Dawga Cad.

Inta aanad gaadhin Dawga-cad ee Hargeysa ama aad 30 daqiiqo ka sii maqnaato sawaxanka Hargeysa waxa aad dareemaysaa saamaynta abaarta,  iyadoo Tuulo kasta oo aad gaadhaba  raqda xooluhu wadhan yihiin oo ay ku saaqayso  urta iyo siniinta bakhtiga xoolaha le’day.Intii aan ku sii jirnay Dawga-cad oo run ahaantii waqtiga barwaaqada ah meel aad u qurux badan, waxa saameeyey abaarta oo indhuhu si fiican uguma xasilayn, waxa kale oo jidka yaalay raqda xoolo  lo’ u badan oo dadkii lahaa damacsanaayeen in ay ka gudbiyaan si ay biyo meel ay ka dhow yihiin ula gaadhaan, balse ay lo’du tahli kari wayday in ay jidkaas oo ay adag tahay in ay ka baxaan, iskaba daa iyagoo macaluulsane.

Tuulooyinka u dhaxeeya Dawga-cad iyo Lugyaha inkasta oo dadku ka hayaameen, haddana waxa ku samray dad iyaga iyo xoolahoodu awooddi waayey in ay ka tagaan, waana dhul ciidii dhalan rogantay, geed la hadhsadaana aanu ku oolin oo intii ku taallayna dhulka jiifsatay, midabkooduna u eekaaday sida dhirta la gubay abaarta awgeed.

Marka aad ku dhawaad hal kiilo mitir (1 KM) socotaba waxa taagan  ubad yar yar oo baabuurta jidka maraysa naf mooday, isla markaana biyo iyo cunto waydiisanaya. Ubadkaas waxa ka muuqatay diif iyo gaajo, waxaanay ahaayeen kuwo awooddii carruurnimo ka tegtay oo gaajada iyo haraadku saameeyeen, xarakaadkoodii, adiga oo is  odhanaya caawa naftu ku gaadhi mayso.

“Adeer roodhi iyo biyo na siiya…Adeer roodhi iyo biyo na siiya waan haraadanahay.” Ayaa ka mid ahaa erayada ay awooddi karayeen in ay ku dhawaqaan, iyagoo taaga xoolo ciidda faqanaya oo ka raadinaya baad  la jooga, isla markaana xoolaha laftooda aanu dhaqaaq ku jirin.

Exif_JPEG_420
Exif_JPEG_420

Abaartu saamaynta ay leedahay waxa aad dareemaysaa marka aad taako kolba degaan dhaafto, waxa aad moodaa in dhulka uu helay fulkaane (Volcano), maadaama degaannadu xeeb yihiin wax kasta oo noole ah dhir, xayawaan, xoolo iyo dad intuba waxay oogadooda moodaysaa  in dab leefay.

Labada shay ee qof kasta oo aad aragtaa maanka ku hayaa waa cunto iyo biyo, iyagoo xoolahoodiina ka madheen, inta ay haystaana aanay rajo ka qabin in ay sii nooladaan, balse dadku waxa ay la’ ayeen meel ay naftooda la gadhaan ama wax ay afkooda mariyaan, qof kasta oo jidka marayaana afkiisa waxba u quudhi maayo marka uu arko xaaladda dadka.

Waxa aan ka gudubnay degaanka Lughaya oo laf ahaanteeda abaartu saamaysay dadkuna badankoodu ka hayaamay, waxay ahayd waqti duhur ah oo 12:04 oo haddana aad moodaysay in aan qof islaami joogin ama ay dadku ka barokaceen, inkastoo xeebta kulaylaha dadku aanay soo bixin, haddana waxa u raacday abaarta oo qof kasta oo naftiisa la baxsan karaayey uu tagay halka biyo ugu dhow ee uu gaadhi karaayey. Waxaannu qaadnay jidka bannaan ama banka xeebta ah ee Saylac waddada loo sii maro tahay, intii aan jidka ku jirnay, iyadoo dabayl iyo hanfi ka dhacaayey jid xeebeedkaa, haddana waxa koox koox u socday dad watay dameerro ay ku dhaansanaayeen ceelal halkaas ka dhow.

Degmada Saylac oo ku dhow in ay noqoto jasiirad dalka ka go’an oo waddo kaliya hadda u bannaan tahay, isla markaana saddex jiho oo kale ay biyaha baddu ka xidheen, waqtiyada roobabkana sida dadka degaanku noo sheegeen ay gasho xaalad ay u yaqanaan “Zero” oo ah xaalad ay biyuhu goobo geliyaan oo meel alaale iyo meel loo maraa jirin, inta xoogga lehna ka baxdo degmada ayaannu 2:40 daqiiqo galnay.

Saylac oo  ah   degaan taariikhi ah oo quruumo kala duwan isaga dambeeyeen, kana muuqdaan aasaartii qadiimiga ahayd oo dayacan sida masaajidka Qiblataynka ama labada qibladood lahaa oo muujinaya in Islaamnimadu waqti  hore soo gaadhay Soomaalida, qudbiyo ama xabaalo muujinaya awoowayaal degaankaas ah oo waqtiyo hore ah, ayaa xaalad dayacaad ah oo ku dhow in ay meeshaba ka baxdo oo ay badweyn noqoto ka soo muuqata degaanka Saylac.

Muddo saddex maalmood ah oo aan gudaha Saylac ku sugnayn waxa ka soo baxay in degaankaasi ka arradan yahay   adeegyada bulshadda  sida caafimaadka,, waxbarashada, biyaha iyo dhammaan adeegyada ijtimaaciga ah.Adeegyadaas marka aad abaarta aragto waxa ay noqonayaan wax fudud oo wax laga qaban karo, haddana dad badan oo aan la sheekaystay intii aan Saylac joogay waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in magaaladoodu jasiirad noqoto ama baddu soo gaadho, maadaama jooga badda ay ka hoosayso, badduna saddex dhinac kor uga martay, mararka qaarna ay sooba gaadhaan.Dhinac kasta oo aad magaalada u qaado waxa aad arkaysaa in baddu soo gashay magaalada oo ay habeenkii u soo dhawaato magaaladana dhexdeeda timaado.

Maalintii afraad oo aan u soo kicitinay xagga Hargeysa socdaalkayagana 6:00 subaxnimo kaga soo baxnay Saylac, isla markaana ku soo dhacnay waddada ka soo baxda magaalada Saylac ee toos u timaada tuulada Caasho Caddo la yidhaa oo saacad ku dhawaad loo socdo, waxaannu kadib sii wadanay socdaalkii intii aan sii soconay dhulka u dhaxeeya tuulada Caasha Caddo iyo tuulada Ceel-gaal waxa aad ku arkaysa degaanno abaartu aad u saamaysay, dadkuna aad u tuban yihiin darriiqyada, gaar ahaan carruurta si ay bal uga helaan biyo iyo quud ay dhuunta mariyaan. Banka Giriyaad oo ah meelaha uguquruxda badan waqtiyada gu’ga, balse xagaaga uu ka dhaco Aasawgu (Dabayl waddata boodh iyo hanfi kulul), ayaa ahaa mid xaaluf ah oo aad moodo saxare aan waligii wax ka soo bixin, halkaas waxa aan kula kulanay dadka deganaa oo biyo dhuunta ay mariyaan iyo quud ay cunaan naftooda u doonaaya.

“Ubadkii baan isla dhibannahay oo haraad u dhimanaya, waxna uma hayo oo awood aan ugu soo dhaamiyana waan waayey,” ayuu yidhi aabbo waayeel ah oo 60 kor u dhaafay, itaal gabay, waqtiga uu nala hadlaayeyna fadhiga nagula hadlayey, muqaal ahaana tamar darrada ay abaartu ku keentay ay wejigiisa si muuqata ugu sawiran tahay.

Waxa kale oo agagaarka dooxyada Waraaboodka ama Waysha Cad aan kula kulmay carruur xamili waayey biyo la’aanta iyo xaalufka dhulka oo aan haysan cuno  iyo qoyaan ay dhuunta u qooyaan. “Ubadkii dhawr maalmood dab looma shidin, biyana afkooda may marin, biyo la’aan uun baa iigu darran,” ayuu yidhi aabbo ubadkiisa oo haraadan u raadinaayey biyo, lana socday nin  kale oo xaaladan qalafsani mataanaysay. Dadka aadka u tabaalloobay  waxa aad kaga soo baxaysaa magaalada Geerisa oo wixii ka dambeeya dooxyada ay ku teedsan yihiin biyo leeyihiin.

Degaannada Hoos yimaada Gobolka Awdal iyo Salel ee ay ka mid yihiin Caasha Caddo, Ceel-gaal, banka Giriyaad, Geerisa, Sheeda Dheer iyo Lugyaha degmooyinka hoosta ka soo xiga waxa si ba’an u haleeshay abaarta, dadka iyo xoolaha ku dhaqanna ma haystaan biyo, cunto iyo baad intaba, dadka ku dhaqan waxa ay sugayaan Alle oo rejo kama ay qabin in gargaar bina’aadam u maqan yahay.“Allaw Abaarta ummadaada ka Saar.”

Comments

comments