Somaliland: “Waxaan Leeyahay Muuse iyo irro Ha Rubad Go’ina, Nabadgalyadana Ha Inaga Khal-khalinina” Faysal Cali Waraabe

121

“Aniguba Markii Aan La Tartamayay Siilaanyo Iyo Riyaale Wirir-wirigta Ayaan Guri Jiray Shanta Sanadoodba Oo Fardo Ayaa La Igu Soo Dhowayn Jiray Laakiin Iyagu Way I Sugi Jireen” Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa awood dhinaca khibaradda ah u sheegtay dhigiisa WADDANI iyo KULMIYE ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi.

Faysal Cali Waraabe ayaa layli siyaasadeed ku tilmaamay labadan guddoomiye ee haatan hogaaminaya labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, isagoo sheegay inay marayaan halkii marayay wakhtigii uu la tartamayay madaxwayne Siilaanyo o markaas ahaa Guddoomiyihii KULMIYE iyo Dahir Riyaale Kaahin oo isna wakhtigaas madaxwayne ka ahaa dalka.

Guddoomiyaha UCID ayaa u soo jeediyey Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro inaanay rubad go’in isla markaana aanay lacagta iska dhamayn sidoo kalena waxa uu ugu baaqay inaanay khal-khal galin nabad galyada Somaliland ku caano maashay isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaa saaxadda siyaasadda ku soo biiray labo guddoomiye oo layli ah, waxaan leeyahay barigii aan anigu la ordi jiray Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwayne Riyaale  sidaas ayaan wirir wiririgta u guri jiray shanta sanadoodba , fardo ayaa la igu soo dhowayn jiray laakiin iyagu (Siilaanyo iyo Riyaale)  meel uunbay ii fadhi jireenoo iyaguunbaa is ilaali jiray, markaa qoladan (Muuse iyo Cirro) waxaan leeyahay ha rubad go’ina ciyaari waa galin dambe, nabadgalyadana khal-khal ha inaga galinina”

Comments

comments