Somaliland: “Isbahaysiga KULMIYE Kamid Baan Ahay, La Fikirna Waan Ahay Isku Talo-na Waanu Nahay” Maxamed Biixi Yoonis.

120

Murrashax Maxamed Biixi Yoonis Oo Cadeeyay Inuu La Mawqif Yahay Saaxiibadiisi Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadi Doonka KULMIYE.

Wasiirkii hore ee arrimaha debadda kana mid ahaa Saddexdii Murrashax ee qaadacay shirweynihii Xisbiga KULMIYE ee qabsoomay sannadkii hore, Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyay inuu la mawqif yahay saxiibadiisa Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo wadahadalo la furay Xisbiga WADDANI.

Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan Waddanka Itoobiya  Caasimaddiisa Addis-ababa, ayaa waraysi kooban oo uu siiyay Wargayska Somalilandtoday wuxuu yidhi

“Dabcan Isbahaysiga KULMIYE kamid baan ahay, la fekerna waan ahay isku tallo-na waanu nahay”.

Maxamed Biixi Yoonis oo aanu waydiinay maadaama oo dhinacyada ay wadahadalada la fureen magacabayaan guddiyo, goorta uu dalka ku soo laabanaayo wuxuu yidhi.

“Insha allah sida ugu dhakhsaha badan ayaan waddanka ku soo noqon doonaa haddii alle idmo, laga yaaba bari ama saadanbe (inaan imaado).” Sidaa waxaa yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

 

Comments

comments