Somaliland: Gudoomiye Muuse Biixi Oo Shaaciyey In Faysal Cali Waraabe Yahay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID.

112

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa u markii  ugu horeysay  shaaciyey  in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo uu iminka yahay Jamaal Cali Xussen isla markaana uu mudooyinkii ugu danbeeyey  muran ka taganaa.

 

Gudoomiye Muuse ayaa waxaa uu arintaasi sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad  ay gudida doorashoyinka Somaliland ku shaacinayeen wakhtiga diwaangalintu ka bilaabmeyso gobalka Saaxil .

waxaana uu sheegay  Muuse biixi in Faysal Cali waraabe uu ugu   waayo aragsan yahay saddexda xisbi ee dalka ka jira , laba jeer oo hore  uu  u tartamay uu dhacay balse uu u rajeynaayo in uu tartanka danbe guuleysan doono waxaana uu yidhi

“ Sadeexda xisbi qaran  ee maanta jooga Faysal waa run oo waa waayo arag laba tartan doorasho ayuu galay labadiina wuu dhacay waana uu aqbalay taas oo qaranka wax weyn ku ahyed balse doorashada danbe ayuu guuleysan doona” ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi “

Si kastaba ha ahaate hadalkan lama filaanka ah ee maanta sida yare e fudud uga soo baxay gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu yahay mid bulshada u cadeynaya rabitaanka Faysal Cali waraabe uu donayo in uu mar kale isku soo sharaxo musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID  waxaana ay  noqon doonta buudhi madhan oo laga kireeyey musharax Jamaal Cali Xussen

Comments

comments