Somaliland: Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ka jawaabtay Eedo uga yimid Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada

114
Cali Maxamed Warancade - Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya Ethiopia
Cali Maxamed Warancade - Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya Ethiopia

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qaar ka mida xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ku tilmaamtay kuwo ka xun soo qabashada dableydii Dishay Taliyihii Ciidamada Booliiska ee Gobolka Saaxil.

War qoraala oo kasoo baxay Xafiiska Afhayeen Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Jamaal Cabdi Muxumed ayaa lagu sheegay inay xildhibaanadaasi ka xumaadeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaashaasi.

 

“Waxaa wax laga xumaado  oo laga yakh-yakhsoodo  in masuuliyiin  xasaanad leh  oo dadku  aqli  iyo  aqoonba ku  majeeranayaan oo la hiigsanayo inay  maanta kaga  cataabaan website-yada  iyo warbaahinta  dalka  waxaan  looga fadhiyin.Iyagoo ka xun, kana gubnaya qabashadii  ragii  gacan  ku  dhiiglayaasha ahaa ee dilay taliyii qaybta berbara  kuwaasi oo hadaan ilahay ku  guulaynin  ciidamada  heeganka u  ah  amaanka dalka  ay  halkaasi  ka bilaabmi lahaa dab  ka dhex qarxa beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega.” ayuu yidhi

Afhayeen wasaarada arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu ku hanjabay in ay socoto baadhis islamarkaana ay baadhistaasi soo saari doonto masuuliyiin ka dambeeyay shaqaaqadaas

“Waxaa muuqata  oo hubaal  ah  in baadhista arrintani ay gali doonto rag waaweyn waana hawl socota oo lagu  daba jirro  ciidamada amaanka ayaana u  xilsaaran.Horaa loo  yidhi  “layligu biyaha kashiisa ku  jiruu ka didaa” Xildhibaan Rayte iyo Xildhibaan  Balaaki Marka aad  aragto sida ay uga naxeen  qabashada  gacan  ku  dhiiglayaashaasi  ama ay  uga xun yihiin iyagoo warbahinta lasoo   fadhiistay    warkaa dhiilada  leh   ee caqli galka ahayn  loogana fadhiyin  in nin  xildhibaani  uu  ku hadlo  inay  cadaynaysa  in ay  kamid ahaayeen  ragii ka danbeeyey  falkaa  foosha xumaa  ee lagu  dilay  taliyii qaybta booliiska berbara.”

Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki iyo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte ayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo laamaha amaanka ku dhaliiley inay nabadii dalku ku burburtay iyagoo wasiir Warancade-na ugu baaqay inuu is casilo.

Comments

comments