Somaliland: Turkiga Oo Xasan Sheekh Ka Saxeexday Saldhig Uu Ka Samaysanayo Gacanka Cadmeed ee Xeebaha Somaliland Iyo Danaha Uu Ka Leeyahay

254
Turkey's President Tayyip Erdogan (L) receives a gift from Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud (R) after addressing a joint news conference in Somalia's capital Mogadishu January 25, 2015. Turkish President Tayyip Erdogan travelled to the Somali capital Mogadishu under heavy security on Sunday, making his second visit in four years to promise further investment in the country as it struggles to rebuild after two decades of conflict. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: POLITICS) - RTR4MTPA

Wakaaladda warbaahinta madaxabannaan (Independent Press Agency) ee dalka Ciraaq oo magaceeda loo soo gaabiyo IPA ayaa warbixin ay horraantii toddobaadkan ku baahisay degelkeeda internet ka ee Mustaqila waxa ay kaga hadashay awoodda uu dalka Turkigu ku leeyahay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay sii kordhayso iyo ujeedooyinka uu ka leeyahay Turkigu Soomaaliya. Warbixintaas iyo warbixinno kale oo dhamaystiraya ayaa uu Geeska Afrika ka diyaariyey warbixintan.

Soomaaliya waxaa u qaadan waa iyo amakaag ku noqday ciidamo Turki ah oo iyaga oo si aad ah  u hubaysan Afartii bishan Maarij, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isla markaana ah duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale u diiday in uu galo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo uu masuulkani doonayey in uu soo eego xaalka dad ku waxyeelloobay qarax dabayaaqada bishii Feebarweri ee sannadkan ka dhacay hudheelka SYL.

Duqa Muqdisho ee ciidamada Turkigu ka waabiyeen gelista cisbitaalkan ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo uu kaga qayb galay shir ku saabsanaa Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo hoggaamiyeyaal kale oo ay ka mid ahaayeen raysalwasaaraha, wasiirro, xildhibaanno, iyo madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Cisbitaalkan waxaa hore loo odhan jiray Digfeer, balse hadda waxaa lagu magacaabo Rajib Dayib Erdogaan, iyada oo loogu magac daray madaxweynaha dalka Turkiga oo ay dawladdiisu dayactir iyo casriyeyn weyn ku samaysay, isla markaana uu xadhigii furitaankiisa ka jaray madaxweyne Erdogan xilli uu booqasho ku yimid Muqdisho. Cisbitaalku waxa uu qaadaa 200 oo sariirood, sidii qorshuhu ahaa markii la furayeyna cisbitaalka waxaa muddo 5 sano ah wada jir u maamulaya Turkiga iyo Soomaaliya, kadib waxaa lagu wareejinayaa maamul Soomaali ah, waxaa hadda ka hawlgala dhakhaatiir iyo mihnadlayaal kale oo caafimaad oo ah 290 ruux oo ka kooban 90 xeeldheere oo Turki ah iyo 200 oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 18 dhakhaatiir takhsusa ahi.

Ciidamo Turki ah oo ku sugan caasimadda Soomaaliya ayaa si adag u ilaaliya cisbitaallo, dugsiyo iyo safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyaga oo kaashanaya xoogag hubaysan oo ah Soomaali ay kiraysteen, sidaa awgeed waa ay adag tahay in masuuliyiinta ilaalada adag wadataa ay galaan gooban, haddii aanay marka hore ogolaanshiyo qaadan.

Dhowr toddobaad ka kadib markii ay dowladda Turkigu ku dhawaaqday in ay dawladda Qatar la gashay heshiis uu Turkigu saldhig milateri kaga samaysanayo ciidda dalka Qatar oo kulaalaya Gacanka Carabta, ayaa haddana uu imika dalkaasi ku dhawaaqay in uu dawladda Soomaaliyana la galay heshiis u suurtogelinaya in uu saldhig milateri oo weyn ka samaysto Soomaaliya, taas oo u suurtogelinaysa in ay ciidamadiisu fadhiisin muhiim ah ka helaan Gacanta cadmeed ee Istaraatijig ah, arrintaas oo ay khuabrada lafagura siyaasaddu ku tilmaameen tallaabo muujinaysa in isbeddel run ahi ku yimid siyaasaddii arrimaha dibadda ee Turkiga, oo hore loogu yaqaannay is ururin iyo in aanay farogelin wixii aan dhib toos ah ku keenayn dalkooda. Waxa aana muuqata indawladdaTurkigu ay doonayso in ay ka hortagto awoodda soo koraysa ee ay dawladda Iiraan ku yeelanayso gobolka bariiga dhexe iyo qaaradda Afrika.

Khubaro u warrantay wargeyska Caanka ah ee Al-Qudus Al-Carabi oo ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegaya in Turkigu uu isu diyaarinayo in uu joogitaan Milateri ku yeesho Gacanka Cadmeed ee Istaraatijiga ah, taas oo uu u marayo saldhigga uu ka samaysanayo Soomaaliya, si uu ugu tababaro 10 kun iyo 500 oo askari Soomaaliya ah, oo ay soo xuli doonto isla markaana hubin doonto Qaramada Midoobey, waxa kale oo uu Turkigu furi doonaa dugsi Milateri oo sare oo aqoonta milateriga oo heerkeedu sarreeyo lagu bari doono saraakiisha ciidamada Soomaalida, iyada wararka laga helayo Turkiguna ay sheegayaan in saldhiggan milateri uu hawlgeli doono xagaagan foodda innagu soo haya.

Saciid Al-Xaaj oo ah cilmibaadhe wax ka qora arrimaha Turkiga ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, sidaa awgeed uu muddo dheer Turkigu taageerayey dhaqaale ahaan iyo bani’aadamnimo ahaanba, waxa uu u dhisay gegooyin diyaaradeed, jidad, biriishyo iyo qaybo badan oo ka mid ah ururrada bulshada ee aadka uga shaqeeya Soomaaliya. “Qatar kadib Turkigu waxa uu u dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya oo kulaalaysa gacanka carbeed iyo marin-biyoodka (Baab Al-Mandab) oo leh muhiimad weyn oo istaraatijiyadeed, taasina waxa ay muujinaysaa in siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkigu xoojinayso joogitaanka turkiga ee dalka dibaddiisa, laakiin si deggen oo aan cadow u abuurayn ayaa uu Turkigu ku socdaa in kasta oo midhihiisu ay sannado badan kadib uun imanayaan”

Sababta kale ee Turkigu is ballaadhinta u wado ayaa ilo-diblumaasiyadeed oo Turki ahi ay ku sheegeen in ay ka mid tahay, suuq u raadinta wax-soo-saarka milateriga iyo iibka hubka fudud iyo dhexe ee ay soo saaraan warshadaha hubka ee Turkigu.

Warbixin uu Geeska Afrika soo akhriyey oo salaasadii dorraad uu qoray wargeyska Al-Carab ayaa iyaduna intaas ku sii dartay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu dhowaan joogay dalka  Turkiga uu saxeexay heshiiskaas saldhigga uu ku samaysanayo Turkigu, gaar ahaan meel ku dhow gacan cadmeed balse aan la magacdhabin.

Warbixinno kale ayaa sheegaya in saldhiggan furitaankiisa lagu bilaabi doono ciidamada Soomaalida ee la tababarayo iyo 200 oo askarta Turkiga ah oo ammaanka sugi doona.

Saldhiggan ayaa Turkiga ka dhigaya dawladda Lixaad ee gobolka Geeska Afrika ku leh saldhig Milateri oo muhiim ah, waxaana hore saldhigyo ugu leh, Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Jaban iyo Shiinaha.

Muhiimadda iyo ujeedka milateri ee Turkigu ka leeyahay kuma koobna dhinaca istaraatijiyadda amniga iyo suuqgeynta hubka uu sameeo, balse waxa la aaminsan yahay in uu sidoo kale Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ku fidinayo awooddiisa dhaqaalaha.

Gacanka cadmeed oo ah marin biyood aad muhiim ugu ah ganacsiga iyo amniga, gaar ahaan ammaanka Bariga dhexe waxa uu u dhexeeyaa xeebta dalka Yemen iyo gacanka Carabta oo dhinaca Koonfureed ka xiga iyo Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland oo ka xiga dhinaca Geeska Afrika, waxa aana muhiimaddiisa kor u sii qaaday isaga oo ah marinka loo maro kadin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul-Mandab.

Lama garanayo illaa hadda meesha uu dhab ahaan noqon doono saldhigga uu madaxweynaha Soomaaliya u saxeexay Turkiga waxase wararku xaqiijinayaan in ujeedada saldhiggan uu Turkigu ka leeyahayba ay tahay in uu ka ag dhowaado gacanka-cadmeed iyo illinka Baabul-Mandab, haddii ay sidaas noqotana waxa ay su’aali gelaysaa xeebaha sida uu Turkigu arrintan ugala xidhiidhi doono Somaliland oo gacanka cadmeed badankiisu xad la leeyahay iyo maamul-goboleedka Puntland oo uu gaadho, xidhiidhka uu la leeyahay dawladda dhexe  ee Soomaaliyana aad u liito.

Waxaa iyaduna is weydiin mudan illaa xadka ay dawladda Somaliland la socoto heshiiskaas oo haddii ujeedkiisu yahay Badda Cadmeed oo taariikhda hore loo aqooni jiray Gacanka Berbera ay aad ugu dhow dahay in uu saamayn ku yeelan doono dhulka jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments