Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Haayada EUCAP Nestor

107

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane Calimaxamed Waran-Cadde  Ayaa  Saaka Shir Kula Qaatay  Xafiiskiisa  Haayada  EUCAP Nestor  Oo  Somaliland Ka Caawisa Dhinaca Ciidamada Xeebaha.

Shirkan  Ayaa  Wasiirka  Arrimaha Gudaha Mudane Calimaxamed Waran-Cadde Waxa Ku  Wehelinaayey  Wasiirku  Xigeenka Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka  Jaamac Cabdillaahi Biin Iyo  Taliyaha Ciidamada Badda  Commander  Maxamed Xuseen Xiirane Halka  Dhinaca  Kalana Ay  Hogaaminaysay   Madaxa Hawl  Galadda  Haayada EUCAP Nestor  (Head Of Mission) Oo  Lagu  Magacaabo Simonetta Silvestri   Isla  Markaana Ay   Wehelinayeen   Saraakiil  Ka  Tirsan  Haayadaasi .

Shirkan  Ayaa Lagaga Wada Hadlay Sidii  Kor Loogu  Qaadi  Lahaa  Tayeynta Ciidamada Bada   Loona  Tayeynlahaa .

Shirka Oo   Soconayey  Saacad Badhkeed  Ayaa   Ku  Bilaabmay  Jawi  Degan  Isla Markaana   Kusoo  Dhamaaday  Is Faham  Iyo  Sidii  Loo  Dardar Galin  Lahaa  Taageerada Dhinaca Ciidamada  Ee EUCAP Nestor   Ay  Siico  Somaliland .

Comments

comments