Somaliland: Nuxurka Kullan Uu Maanta Wasiir Caddaani Iskugu Yeedhay Warbaahinta Madax-banaan ee ONLINE-ka Ah

126

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyi-galinta Xukuumadda Madaxweyne SILAANYO, MD. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),ayaa waxa uu maanta iskugu yeedhaya Qeybaha Warbaahinta ee habka Online-ka ah wax-ku-gudbisa,taas oo maanta uu kulla ballan-sanyahay Hoolka Wasaaradda Warfaafinta ee Magaaladda Hargaysa.

Ilaa hadda si rasmi ah loomma oga nuxurka Kullankaas ay Wasaaraddu iskugu yeedhay Saxaafadda Madaxa-banaan ee habka Online-ka ah wararka Bulshadda ugu gudbisa,balse waxa la sheegayaa innuu kullankaas ay qeyb-ka-yahay ajandaha uu Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi uu rabbo inay ku wada-shaqeeyaan Warbaahinta Madaxa-banaan inta uu Xafiiska jooggo.

Todobaadkii hore,ayaa waxa kullan noocan oo kale ahi dhex-marray Wasiirka Iyo Madaxda Tv-yadda afka Somaliga ku hadla iyo Wargaysyadda Hargaysa kasoo baxa,waxaana kullankaas qodobaddii ku jiray ka mid ahaa warar iyo Barnaamijyo ay Xukuumaddu sheegtay in aan la baahin-karrin oo qarranka meel-ka-dhac ku ah. Sidda la og-yahay Somaliland waxa ka shaqeeya Labbo Warbaahinood oo kala ah: Ta Dawladda,balse ay Waaxda Xukuumaddu si toos ah u adeegsato iyo Ta Madax-banaan,waxaana inta badan ay Xukuumaddu Bar-tilmaameed ka dhigataa Warbaahinta gaarka loo leeyahay,iyadda oo aan dheg-jalaq u siin Cabashooyinka ay Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo qeybaha Bulshaddu ay ka muujiyaan habka loo adeegsaddo Warbaahinta Qarranka ee ay Umaddu wada-leedahay,taas oo ay Xukuumaddu danno-gaarhaneed iyo hub ay kula dagaallanto Xisbiyadda iyo Shaqsiyaadka ay Siyaasadda isku-hayaan.

Comments

comments