Somaliland: Haweenka Oo U Dabaal-degay Xuska 8-da March Iyo Doorka Wasaaradda Arrimaha Bulshada

146

Xus ballaadhan  oo loogu dabbaaldegayey 8-da bisha March oo maalinta  haweenka adduunka, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay  masuuliyiinta wasaaradda Shawada iyo Arrimaha Bulshada, hoggaanka Ururrada haweenka ee NOW iyo Negaad, Hay’ado caalami ah oo arrimaha haweenka ku shaqo leh, haween iyo  dadweyne kale oo aad u tiro badan.

 Munaasibaddan oo si heersare ah loosoo agaasimay oo hal-ku-dheg looga dhigay daryeelka haweenka qaba xanuunka dhimirka, ayaa ku bilaabantay ciidamo baamboo ah oo tumaya muusikada astaanta qaranka, kuwaas oo kasoo dhaqaaqay xarunta guud ee wasaaradda maaliyadda horteeda, isla-markaana gaadhay cisbitaalka weyn ee Hargeysa oo ah goobtii loo asteeyey in khudbadaha laga jeediyo, waxana saraakiil uu wasiirka Shawada mudane Cali Sandulle kamid ahaa oo halkaas ka hadlay faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada maalintaas iyo sida qiimo gaar ah loo siinayo haween weynaha reer Somaliland.

Ugu horrayn wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud Xasan(sandulle)oo halkaas  hadal kooban ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimaddu xukuumaddu siisay haweenka dalka, waxana uu sheegay in sanadkan la go’aansaday in si weyn loo gacan qabto haweenka dhimirka wax ka qaba, iyadoo halkaas xoolo lagu guddoonsiiyey cisbitaalka dhimirka ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan qaybta haweenka.

Wasiir Cali sandulle, waxa uu  sheegay in horumarka haweenka iyo sidii ay talada qayb uga noqon lahayeenba ay xukuumaddu muhiimad gaar ah siisay, “Maanta waa maalin agtayada qaali ka ah, waa maalintii loo asteeyey haweenka adduunka. Haweenku marka aanu Somaliland nahay qiimo gaar ah baanu siinaa, dabaal degga iyo xuskanna si weyn baanu ugala qayb qaadanaynaa, waxa naga go’an inaanu wax la qabanno kuwooda jilicsan iyo kuwaad rabitaanka siyaasiga ah leh, aad iyo aad baan u hambalyeynayaa guud ahaanba haweenka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.” Ayuu yidhi wasiir Cali-sandulle.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr Axmed Cumar Askar oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa  hambalyo u diray haween weynaha reer Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay in heerka ay haweenku mud muddooyinkii ugu dambeeyey siyaasadda ka gaadheen kor usii kacayey, waxana uu guddoomay deeq xoolo nool iyo dhar iskugu jirta oo haweenka dhimirka wax ka qaba.

Ugu dambayntii hoggaanka Dallada Nagaad iyo waliba Guddoomiyaha ururka haweenka ee NOW oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha haweenku leeyihiin, waxana ay sheegeen in baahi weyn loo qabo in haweenka gacan laga siiyo dhinacyada kala duwan ee noloshooda, maadaamaa ay yihiin tiir-dhexaadkii nolosha aadamaha, iyadoo carrabka ku adkeeyey in taageero la siiyo sidii haweeenku siyaasadda dalka qaybtooda uga qaadan lahaayeen.

Xuska maalinta haweenka adduunka oo caalamka oo dhan laga xuso, ayaa sanad walba si joogto ah looga xusaa Somaliland, waxana qaybta  ugu weyn ka qaadata wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo waliba hay’adaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Comments

comments