Somaliland: Daryeel la’aanta Iyo Dhibaatooyinka Lagu Hayo Dameeraha, Saacadaha Lagu Qabaanto Iyo Culayska Rarka

369

“Dhibaateynta  Ma Yeedhaanka Diiniyan Islaamku Wuu Innooga Digay” Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax

Dameeraha ku dhaqan dalka, gaar ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo siyaabo badan looga faa’iideysto, ayaa lagu hayaa dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in la saaro rar ka badan intii ay qaadi karayeen iyo facaa’il arxan darro ah oo ay kala kulmaan xoog maalka sida gaadiidka u  adeegsadda.

Waxa  aad jidadka caasimadda aad ku arkaysaa dameer la saaray badeecado culayska miisaankoodu  aanu ka yarayn hal tan iyo badh. Waxa kale oo inta badan la saaraa allaabo aan ka yarayn labaatameeye kartoon oo sibidh ah, taasi oo ah mid naxariis darro ah oo aanay bulsho weynta iyo xukuumadduba aanay ka war-haynin.

Waxa caasimadda dhawr jeer oo kala duwan ka dhacday in dameero rar badan siday inta uu taayir u baxay ay dhacday inay dhabarka ka jabeen. Ma jirto wax tallaabo ah oo dawladaha hoose  oo u xil saaran inay wax ka qabashadda tacadiyadda dameeraha lagu hayaa ay qaadeen.

Sidoo kale waxa aad u hooseeya wacyiga ay bulshaddu ka haystaan gabood fallada iyo falalka arxan darrada ah ee lagu hayo dameeraha. Waxa ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka dameeruhu dhabarka ka jabay ama naafoobay oo dadkii raran jiray ay suuqa iskaga sii daayeen markii uu kuududsaday.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ka mid ah  culimada waaweyn ee dalka, kana tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta, gaar aahaan  qeybta shareecada, ayaanu wax ka waydiinay diinta Islaamku waxa ay ka qabto in la waxyeeleeyo gamaanka.

“Dhibaateynta la dhibaateeyo  ma yeedhaanka  oo ay dadku had iyo jeer miyi iyo magaalaba ay  rartaan, sida dameeraha,baqlaha iyo noolaha kale ee ILAAHAY  abuurey, in culeys ka weyn la saaraa runtii waxa ay noqoneysaa, dhibaato soo gaadhaya noolahan, dhibaatooyinkaa soo gaadhayaana diiniyan  Islaam ahaan ILAAHAY  wuu  innooga digay,”ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax oo u warramayay DAWAN,waxaanu intaas ku daray  “Wakhtigii rasuulka waxa u soo dacwootay daabad, ninkii lahaa uu saari jiray tan ka badan kii loogu tallo-galay, daabadaasina Rasuulkii ILAAHAY  hortiisa ayay ka hadashay oo ILAAHAY  baa ka dhawaajiyay, waxaaanay tidhi ‘dhib faro badan ayaan qabaa, dheef la’aana waan ku qabaa, ninkan masuulka iga ah” markaa haddii aad wax raranayso oo aad muraadkaagii ku qabsanayso, nafleyydu waxay kaaga baahan tahay ilaalin iyo in la xanaaneeyo, oo rasuulku ninkii digniin ayuu siiyay.”

dameeraha-lagu-tacadiyay

Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu xoogsatada ugu baaqay inaanay dambi aanay qaadi karin ku gelin ma yeedhaanka ay gaadiid ahaan u adeegsanayaan, waxaanu yidhi

“Markaa innaga oo umaddii Rasuulka ah waxaynu dadka uga digaynaa  iyo shakhsiyaadka  dameeraha ku adeeganaya ee hawlahooda ku qabsanayaa xamilka culusna saaraya, qofka saaraya qabriga iyo qiyaamahaba dhib ayay ku tahay, waa inaan la saarin laakiin wax uu qaadi karo waa in la saaraa, shareecada diinta islaamkuna ma ogola, markaa qof walba wixii uu raaciga ka yahay waa la su’aali doona, Illaahayna waa uu ku imtixaanayaa, markaa dameeraha oo kale, waxaanu uga digaynaa dadka ku adeeganaaya ee ku shaqeysanaaya, ee xamilka culus saaraya in ay ka digtoonaadaan.”

Sheekhu waxaa uu sheegay in dadka xoolaha mayeedhaanka ah sida khaldan u adeegsanaya isaga iyo ehelkiisaba ay dhibaato soo gaadhi doonto waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya

“waa in daameeraha mayeedhaanka ah ee aynu ku adeeganayno in loo dadaalo, oo aan xamil culusna la saarin, cidii xoolahaa mayeedhaanka ah xaqooda iyo xuquuqdooda iyo daryeelkooda meel iska saari weyda ee ka digitoonaan wayda dhibaatada horta leh ee ka dhalanaysa waxaanu u sheegaynaa in naftiisa iyo ehelkiisaba cadho iyo ciqaab Alle soo gaadhayo, Ilaahayna uu ka jari doono dhibaatada uu u geystay dameeraha uu ku adeeganayo ee mayeedhaanka ah”

Xasan Maxamuud Yuusuf oo ka mida dadka muruq maalka ah ee biyooleyaasha ah ayaa noo sheegay in aanu isagu saarin dameerkiisa rar miisaankiisa ka badan.

“Waxaan leeyahay nimanka muruq maalka ah ee biyoolayaasha ah in ay iska ilaaliya cuqubada neefka dameerka ah, xaqa uu leeyahayna siiyaan, markaa waxaan leeyahay dameerku xamilkii waa uu qaadaa laakiin xadhig qaloocan ma qaado,“ayuu yidhi Xasan Maxamuud.

Xasan Maxamuud Yuusuf sidoo kale waxaa uu ka hadlay sida ay ula socdaan daryeelka caafimaad ee gamaanka ay raranayaan, waxaanu yidhi

“Dameerkii markaa uu muddo saddex bilooda cuno qarmacdii iyo cawskii waxaa laga yaabaa in gooryaan uu ku dhasho, oo caloosha gooryaan uu kaga dhasho, markaa kiniinka caalka ayaanu u soo iibinaa oo aanu ku ridnaa, si uu uga dilo wixii cayayaan ah ee caloosha kaga dhashay xerada uu galayo digada ayaan ka gurnaa oo waan u gubnaa si aanu dulin ugu dhalan”

dameeraha

Xasan waxa kale oo uu dadka u sheegay saacadaha uu maalin kasta shaqeyn karo dameerku. “Waxaa uu shaqeyn karaa oo uu caadi u shaqeyn karaa, muddo lix saacadood ah, laba saacadoodna waa uu nasanayaa, haddii la daryeelo waxaa uu dameerku shaqeyn karaa muddo badan oo la ilaaliyo caafimaadkiisa iyo waliba, daryeelkiisa kale.”

Cabdikariim Xuseen Iidle, waxa uu ka mid yahay dadka rayidka ah ee  faro ku tiriska ah ee dareensan hadimooyinka lagu hayo dameeraha, waxaanu yidhi

“Dhab ahaantii waa ay adag tahay in neef mayeedhaana in la saaro, 30 xabo oo sibidha iyo wax ka badan, nimanka gaadiidkan wataana waa in ay xuquuq gaara siiyaan neefka ay ku adeeganayaan, dedaal dheeriyana ay geliyaan in ay daryeelaan oo si kasta oo ay suurtagal u tahay in ay daryeeli karaan ay u daryeelaan, oo aanay markaa uu dameerkani talax gabo ee uu gaboobo aanay eryin ee ay xuquuqdiisa meel iskaga tiiriyaan.”

Dhanka kale Cabdikariim waxa uu soo jeediyay hindise dameeraha dhibaatada lagaga dayn karo oo uu ku ganacsatada ugu baaqay in la maal-geliyo biyooleyaasha.

“Waxaa jira gaadhi yar oo sida booyada oo kale ah, oo ilaa laba foosto qaadi kara, oo sida mootada u sameysan, waayo mootadaasi aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay oo shidaal ayaa lagu shubanayaa , oo dameerkiina waa uu bad baadayaa,  markaa bal waa in laysku dayaa dadkaa sidii gaadiidka yar yar ee noocaasa loogu iibin lahaa haddii la kari karo si uu dameerkii u badbaado.”

Dhinaca kale, waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, gaar ahaan waaxda arrimaha bulshada, si aanu iyagana wax uga waydiino  kaalinta ay wax kaga qaban karaan dhibaatooyinka arxan darrada ah ee loo adeegsado dameeraha, hase yeeshee way ka gaabsadeen inay mowduucan badhaadhahooda ka dhiibtaan.

1993-kii xilligii uu Maxamed Xaahi Cilmi ahaa Maayarka Hargeysa,  ayuu wareegto uu soo saaray waxa uu ku  hirgaliyay inaan dameeraha la saari karin hal foosto wax ka badan, iyadoo wakhtigaa biyooleyaasha caasimadu  dameeraha saari jireen buudhi foosto iyo badh ah. Sidoo kale waxa uu hawl-geliyay askar ganaax adag u jarta gaadhi dameerka buudhigiisa saara rar ka culus inta uu qaadi karo.

DAWAN

Comments

comments