Somalia: Maraykanka oo Duqeeyey Al-Shabaab sheegteyna in ay dileen 150 kamid ah kooxdaas

144

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka nooca loo yaqaano Drone ee aan duuliyaha wadan ayaa weerar ku qaadey xarun lagu tababaro  ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Bariga Afrika.

Weerarkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyey xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka.

Afhayeen u hadley Pentagon oo lagu magacaabo Captain Jeff Davis ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid culus, kaas oo la soo qorsheeyey.

“Dagaalyahanadu waxay ahaayeen kuwo loo tababarey dagaalo culus in ay galaan, waxaan ogeyn in Saldhigga laga daad gureynayo, isla markaana khatar ku yihiin Maraykanka iyo Midowga Africa” ayuu yiri Captain Jeff Davis.

Afhayeenka ayaa sheegay in ugu yaraan ay ku dileen weerarkaas 150 ka tirsan Malayshiyaadka al-Shabaab. Davis ayaa sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo weerarka wax ku noqdey.

Weerarka ayaa ka dhacay sida Pentagon-ku sheegtey meel Muqdisho u jirta 195km dhanka Waqooyi taas oo loo badinayo in ay ku taalo gobolada Hiiraan ama Galguduud, gelinkii danbe ee Axadda shalay ahayd.

Comments

comments