Somaliland: Fagaare Loo Asteeyey Munaasibadaha Qaran oo Dhismahiisa Laga Bilaabay Madaxtooyada

Xaflad lagu dhagax-dhigay goob loo asteeyey qabsoomida dabaal-dega xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May iyo munaasibadaha Qaranka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Qarsiga Madaxtooyada Somaliland.

Xafladan oo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Mr. Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Marwo Khadra Xaaji Geydh hormood ka ahaayeen, kana soo qeybgaleen xubno ka tirsan hawl-wadeenada Qasriga iyo martisharaf kale ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hawlaha loogu diyaargaroobayo xuska sannad-guurada 25 ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay Madax-banaanida Somaliland ee 18 May.

Masuuliyiintan oo sidoo kale dhagax-dhigay waddo laami dhexmari doonta Qasriga Madaxtooyada JSL, ayaa xubno ka ah guddi heer Qaran oo dhowaan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) u magacaabay qabanqaabada iyo agaasinka xuska dabaaldega 18 May, ayaa sidoo kale la sheegayaa in guddiyadii heer Gobol iyo Degmo ee guud ahaan deegaamada JSL bilaabeen waajibaadkoodii kaga aadanaa habsami u qabsoomida dabaaldega 18 May ee sannadkan.

Comments

comments